Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo tallaabooyin adag oo ka dhan ah muhaajiriinta sharci darrada ah, haddii aan la ansixin dalabaadkiisa miisaaniyadeed ee la xiriira amniga gudaha.
Trump ayaa sheegay in uu u diri doono ciidamada ICE garoomada diyaaradaha, halkaas oo ay ka fulin doonaan howlgal lagu xoojinayo amniga, oo ay ku jirto qabashada dadka sharci darrada ku jooga dalka.
Wuxuu si gaar ah u xusay in tallaabooyinkaasi ay si weyn u beegsan doonaan muhaajiriinta ka yimid dalal ay ku jirto Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay jirto muran u dhexeeya Jamhuuriyiinta iyo Dimuqraadiyiinta oo ku saabsan maalgelinta Wasaaradda Amniga Gudaha, taas oo hakisay dhaqaalaha hay’ado muhiim ah.
Ismariwaagaasi ayaa sababay in qaar ka mid ah shaqaalaha amniga garoomada ay shaqeeyaan iyagoo aan mushaar helin, taasoo keentay yaraanta shaqaalaha iyo dib u dhac ku yimid adeegyada.
Garoomo dhowr ah oo waaweyn ayaa la sheegay inay la kulmeen safaf dhaadheer iyo dib u dhac, iyadoo walaac laga muujiyay saameynta ay ku yeelan karto amniga guud.
Xiisadda siyaasadeed ee ku saabsan socdaalka iyo amniga gudaha ayaa weli taagan, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay isku hayaan qaabka loo maareynayo arrimahan.


















