• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, September 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Soomaaliya Oo Eedaymo Culus U Jeedisay Sacuudi Carabiya! Maxa dhacay?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya
Share

Soomaaliya

GENEVA — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu eedeysay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku xadgudubka xuquuqda shaqaalaha muhaajiriinta iyo ka faa’iidaysiga shaqaalaha, intii uu socday shirweynaha Caalamiga ah ee Shaqaalaha aduunka ILO ee ka dhacay magalada Geneva Switzerland.

Soomaaliya ayaa ku biirtay 36 dal iyo dhowr urur shaqaale oo caalami ah oo taageeray baaqa lagu dalbanayo in Hay’adda Caalamiga ah ee Shaqaalaha ay sameyso baaris rasmi ah oo ku saabsan xaaladaha shaqada Sacuudiga.

Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed Omar Osman ayaa yiri “Afrikaanku waxay u safraan Sacuudiga si ay nolol u helaan, balse waxay ku soo laabtaan naxashyo.”

Cabashada ayaa ku saabsan nidaamka “kafala” ee Sacuudiga oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen inuu suurtageliyo tacaddiyo shaqaalaha muhaajiriinta ah, oo badankood ka yimaada waddamada Afrika iyo Aasiya.

Tallaabada ayaa keentay walaac laga qabo mustaqbalka heshiis shaqo oo dhawaan ay la saxiixatay Sacuudiga, kaasoo lagu talo galay in uu shaqo u furo kumannaan Soomaali ah.

Bishii May, Wasiirka Shaqada Soomaaliya Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyadh kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Sacuudiga si loo hirgeliyo heshiis laba geesood ah.

Khilaafka cusub ayaa khatar gelinaya dadaalladaas iskaashiga labada dal, oo ay ku jiraan barnaamijyo horumarineed muhiim ah. Tan iyo 1977, Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga wuxuu maalgeliyay mashaariic horumarineed oo qiimahooda ka badan yahay 100 milyan doolar.

Falanqeeyayaal ayaa aaminsan in mowqifka Soomaaliya uu qeyb ka yahay isbeddel siyaasadeed.

Soomaaliya

Soomaaliya waxay noqotay dalka kaliya ee ka tirsan Bariga Afrika ama Jaamacadda Carabta ee si fagaare ah u taageeray ololaha ka dhanka ah Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga ayaa ka jawaabay dhaleeceynta, iyadoo tilmaamtay isbeddallo sharciyeed iyo wada-shaqeyn ay la leedahay Hay’adda Shaqaalaha Adduunka. Sannadkii 2023, Sacuudiga wuxuu la saxiixday heshiis laba sano ah oo ay la galeen ILO.

ILO waxay xaqiijisay inay heshay cabashada, waxayna sheegtay in golaha hay’adda uu go’aan ka gaari doono in baaritaan rasmi ah la furo bisha November.


Share

Recommended

Ururka Islaamka oo si adag uga hor imaday qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus

Ururka Islaamka oo si adag uga hor imaday qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus

4 months ago
Trump oo sheegay in Xuutiyiintu ka codsadeen Mareykanka inuusan dagaalka faragelin.

Trump oo sheegay in Xuutiyiintu ka codsadeen Mareykanka inuusan dagaalka faragelin.

2 weeks ago
Shabakadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo la jabsaday

Shabakadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo la jabsaday

3 months ago
Fiqi oo sheegay in u fashilmay shirqoolkii Galmudug kadib tanaasulkii Qoor-Qoor

Fiqi oo sheegay in u fashilmay shirqoolkii Galmudug kadib tanaasulkii Qoor-Qoor

3 months ago
Ciidanka Xoogga oo sheegay inay dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga oo sheegay inay dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

4 months ago
Madaxweynaha Ukraine

Madaxweynaha Ukraine oo Maanta La Kulmay Erdogan, Kadib safar degdeg ah uu ku Tagay Magaalada Ankara.

2 years ago
Cirro oo sheegay in Israa’iil iyo Denmark ay ka jawaabeen codsiga aqoonsiga Somaliland

Cirro oo sheegay in Israa’iil iyo Denmark ay ka jawaabeen codsiga aqoonsiga Somaliland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.