Wararka24: Shiinaha iyo Pakistan ayaa soo bandhigay qorshe ka kooban shan qodob oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, iyagoo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah.
Qorshahan ayaa la shaaciyay kadib kulan ka dhacay magaalada Beijing oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal, kuwaas oo isku raacay in la dardargeliyo dadaallada nabadeed.
Labada dal ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, isla markaana la bilaabo wada-hadallo diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo khilaafka.
Sidoo kale, qorshaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray in dib loo soo celiyo isu socodka caadiga ah ee maraakiibta marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, oo muhiim u ah ganacsiga iyo tamarta caalamka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu dalbaday in la joojiyo weerarrada lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha muhiimka ah sida xarumaha tamarta, biyaha iyo korontada.
Shiinaha iyo Pakistan ayaa sidoo kale ku booriyay dhinacyada inay ka fogaadaan hanjabaadaha militari inta ay socdaan wada-hadallada, islamarkaana la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah.
Qorshahan ayaa imanaya xilli ay sare u kacday xiisadda Bariga Dhexe, iyadoo marinka Hormuz uu noqday meel xasaasi ah oo saameyn weyn ku leh dhaqaalaha caalamka.
Diblomaasiyiin ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay muujinayso dadaal cusub oo ay Beijing iyo Islamabad ku doonayaan inay door muuqda kaga qaataan dejinta colaadda.
SHANTA QODOB




















