Wararka24: 20-02-2026 Rajada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee helitaanka barnaamij tamar nukliyeer rayid ah ayaa sare u kacday kaddib go’aan uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku wargeliyay Koongareeska, kaas oo la xiriira heshiis iskaashi nukliyeer oo lala galayo Riyaadh.
Sida lagu sheegay dokumiinti loo diray Koongareeska oo ay aragtay Reuters, maamulka Trump ayaa qorsheynaya heshiis aan ku xirnayn shuruudihii adkaa ee horey looga dhigi jiray dalalka xulafada ah, kuwaas oo looga gol lahaa in laga hortago in barnaamijyada rayidka ah loogu leexiyo hub nukliyeer.
Heshiiskan, oo loo yaqaan “123 Agreement”, ayaa u oggolaanaya shirkadaha Mareykanka inay door weyn ku yeeshaan dhismaha kaabeyaasha tamarta nukliyeerka ee Sacuudiga, si koronto loogu dhaliyo.Heshiiska ayaa sidoo kale albaab u furaya in Sacuudigu mustaqbalka yeesho awoodda tayeeynta yuraaniyamka, inkastoo arrintan ay dhalisay walaac amni.
Khubaro iyo siyaasiyiin Mareykan ah oo ka kala tirsan labada xisbi ayaa ka digay in heshiis kasta oo lala galo Sacuudiga uusan dhicin iyada oo aan la adkeyn xakameynta hubka. Waxay ku baaqeen in Riyaadh laga mamnuuco tayeeynta yuraaniyamka iyo dib-u-warshadaynta shidaalka nukliyeerka, isla markaana ay si buuxda u aqbasho kormeer ballaaran oo ay sameyso Hay’adda Tamarta Atoomikada Adduunka.
Walaaca caalamiga ah ayaa sii kordhay xilli loolanka hubka nukliyeerka uu mar kale soo laba-kacleeyay, kaddib dhammaadka heshiiskii xaddididda hubka istiraatiijiga ah ee Mareykanka iyo Ruushka, iyo ballaarinta keydka hubka nukliyeerka ee Shiinaha.
Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa horey u sheegay in haddii Iiraan ay hesho hub nukliyeer ah, Sacuudiguna uu qaadi doono tallaabo la mid ah si loo ilaaliyo dheelitirka awoodda Bariga Dhexe, hadal taasoo sii xoojisay walaaca ku saabsan jihada mustaqbalka ee barnaamijka nukliyeerka ee Riyaadh.
Heshiiska ayaa la filayaa in si rasmi ah loo horgeeyo Koongareeska dhammaadka bishan Febraayo, waxaana sharciga Mareykanka dhigaya in haddii labada aqal aysan 90 maalmood gudahood ka soo horjeesan, heshiisku si toos ah u dhaqan-geli karo.


















