Wararka25: 24-02-2026 Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u aqbashay magacaabista Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo noqonaya danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Riyadh, sida lagu xaqiijiyay warqad diblomaasiyadeed oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.
Oggolaanshaha diblomaasiyadeed ee loo yaqaan agrément ayaa jawaab u ahaa codsigii ay hore u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo u oggolaaneysa danjiraha la magacaabay inuu si rasmi ah u guto waajibaadkiisa marka uu waraaqaha aqoonsiga u gudbiyo hoggaanka Sacuudiga.
Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa horey uga soo qabtay xilal kala duwan oo sare oo ka tirsan hay’adaha dowladda, waxaana uu beddelayaa safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Riyadh, kaas oo xil kale oo dowladeed loo wareejiyay.
Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Boqortooyada Sacuudiga.


















