Wararka24: 8-02-2026 Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa shaacisay in nin u dhashay Pakistan lagu helay dambi la xiriira qorshe lagu doonayay in lagu dilo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Asif Merchant ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu gudaha Mareykanka ka qoro dad fuliya qorshe dil oo bartilmaameedsanayay Trump iyo mas’uuliyiin kale.
Dacwad-oogayaasha federaalka ayaa sheegay in qorshahan uu la xiriiray aargoosi ka dhan ah dilkii sanadkii 2020 Mareykanku ugu geystay magaalada Baqdaad taliyihii sare ee milateriga Iran, Qaasim Suleymaani.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Mareykanka, bartilmaameedyada qorshahan oo la sheegay inuu dhacay sanadkii 2024 waxaa sidoo kale ka mid ahaa madaxweynihii xilligaas Joe Biden iyo siyaasiga Nikki Haley.
Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in Asif Merchant lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin isku-day dil oo lacag lagu bixinayo iyo abaabul falal argagixiso oo ka gudbaya xuduudaha caalamiga ah.
Laamaha amniga Mareykanka ayaa fashiliyay qorshahan kahor inta uusan dhicin wax weerar ah, kadib markii qof uu ninku la xiriiray uu laamaha amniga ku wargeliyay arrintan isla markaana noqday xog-bixiye la shaqeeya dowladda.
Dhanka kale, dowladda Iran ayaa si adag u beenisay eedeymaha sheegaya inay ku lug lahayd qorshe lagu beegsanayay Trump ama mas’uuliyiin kale oo Mareykan ah.


















