Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, iyadoo diiradda lagu saaray xiisaddii ka dhalatay habraaca amniga ee gelitaanka xerada Xalane.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in kulanka si gaar ah loogu falanqeeyay is-hortaaggii maalmahan lagu sameeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo loo diiday in ay hubkooda la galaan gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde. Arrintaas ayaa dhalisay xiisad siyaasadeed iyo baaqasho kulan ay mucaaradku la lahaayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan gudaha xerada.
Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kulanka kadib waxaa la isla gartay in madaxdii hore iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka loo oggolaado tiro kooban oo ciidan ah inay la galaan gudaha garoonka, isla markaana ay horay ula sii socodsiiyaan laamaha amniga marka ay u socdaan xerada Xalane.
Waxa kale oo lagu heshiiyay in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Marina Gate oo ah kan loo asteeyay habeenkii, si waafaqsan habraaca amniga.
Dowladda Federaalka ayaa horay u adkaysay nidaamka gelitaanka garoonka, taas oo keentay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka dib looga soo celiyo aagga garoonka, isla markaana ay baaqato kulan la qorsheeyay oo ay la yeelan lahaayeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Xaaladdan ayaa sii xoojisay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.
Si kastaba ha ahaatee, xal-kan ku-meelgaarka ah ayaa loo arkaa tallaabo lagu dejinayo xiisadda amni ee garoonka, iyadoo la sugayo natiijada wada-hadallada la filayo inay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.


















