Wasiirka wasaaradda caddaalada iyo arimaha dastuurka XFS, Mudane Hassan macalin maxamud ayaa manta kulan layeshay wasiiradda dastuurka maamul gobeeladyada. Kulan kaan ayaa loga hadlay geedi socodka dhamestirka arimaha dastuurka oo ah hoowlaha hortabinta uleh xukumada,
Kulankaan oo looga hadlayay guulaha laga gaaray dastuurka oo ay kamid yihiin in la dhamestiray war bixintii cutubyada 5-9 ee dastuurka sidoo kale in lo gudbiyay guddiga dastuurka ee baarlamanka , baarlamanka oo hoary u ansixiyay cutubyada 1-4 ee Dastuurka.
Sidoo kale kulankan aya looga hadlay sida loo dardargalin lahaa cutubyada harsan ee 10-15 aad ee dastuurka.
Wasiir xasan macalin maxamud ayaa shegay in xukumada ay ka go’antahay dhamestirka dastuurka isla markasna ay ka ka shaqenayaan dardar galinta cutubyada harsan si baarlamaanka loogu gudbiyo.
Sidoo kale wasiirada dastuurka maamul gobaleedyada ayaa ka warbixyay guulaha ay ka gareen latashiyada dastuurka, iyagoo ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqeyn donana wasaarada iyo gudiga dastuurka si lo dhamestiro dastuurka.


















