Wararka24: Militariga Mareykanka ayaa sanadkan kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo Soomaaliya, iyadoo la sheegay in ku dhowaad 50 weerar oo cirka ah la qaaday saddexda bilood ee ugu horreysay ee sanadkan.
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, meel ku dhow 80 mayl waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska, tirada guud ee duqeymaha sanadkan ayaa gaartay 49, taas oo muujineysa koror weyn marka loo eego sannadihii hore.
AFRICOM ayaa tilmaantay in howlgaladan si wadajir ah ula fulinayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida, si loo wiiqo awoodda kooxaha hubeysan.
Sidoo kale, duqeymaha ayaa ka dhacaya meelo kala duwan, iyadoo waqooyiga Soomaaliya lagu bartilmaameedsado maleeshiyaadka Daacish, halka koonfurta iyo bartamaha dalka ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Warbixintu waxay xustay in sanadkii 2025 Mareykanka uu fuliyay ku dhowaad 125 duqeyn, taas oo ka badan rikoodhkii hore ee la diiwaangeliyay sanadkii 2019.
Kororka duqeymaha ayaa imaanaya kadib markii taliyeyaasha AFRICOM la siiyay awood dheeraad ah oo ay ku go’aansan karaan weerarrada, taas oo dardar gelisay howlgalada.
Si kastaba, arrintan ayaa dib u kicisay dood ku saabsan saameynta duqeymaha iyo doorka Mareykanka ee amniga Soomaaliya.


















