• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale, dardargelinta dagaalka Al-Shabaab + SAWIRO

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
10 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,
Share

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud Degmada Cadale Credit Universal tv

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo Khamiistii ku laabtay jiidaha hore ee deegaanada Hirshabelle, ayaa xalay ku hoyday Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa degmadaasi u tegay dardargelinta hawlgalka ballaaran ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Cadale ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha, culimada deegaanka, iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaanka macawiisleyda.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu amar ku bixiyay in nin walba oo masuul ah uu iska xaadiriyo goobta dagaalka, dibna aan loo soo guryo noqon karin, iyadoo aan maleeshiyada Al-Shabaab laga ciribtirin Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu masuuliyiinta ka dalbaday inay wax ka hoggaamiyaan hawlgalka lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu beelaha deegaanka ku adkeynayo inaanan loo kala harin dagaalka dib-u-xoreynta, si loo soo gacan geliyo dhulka ka maqan gacanta qaranka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa xalay Duubabka Dhaqanka iyo siyaasiyiintaba u bandhigay in laga faa’iideysto taageerada ay haatan dowladdu diyaarka ula tahay dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa xubnaha uu la kulmayo u sheegay inay keliya ka doonayaan inay iska dulqaadaan cadowga ay Villa Somalia u aragto inay dalka ku soo duuleen.

Hawlgalka Shabellaha Dhexe iyo ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh

Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka socdo hawlgal gaar ah, kaas oo cir iyo dhulba lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al-Shabaab. Hawlgalka gobolkan ayaa hadda laf dhabar u ah dagaalka ay dowladdu dooneyso inay kaga adkaato maleeshiyadaasi.

Hawlgal midkani barbar socda ayuu qorshuhu yahay in si dhakhsa ah looga bilaabo Gobolka Hiiraan, iyadoo markaasi dagaal buuxa la gelinayo maleeshiyada ku sugan deegaanada Hirshabelle.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, kaas oo ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab lagaga saaro deegaanada Hirshabelle, si la mid ahna looga kiciyo dhulka ay ka maamulaan Galmudug.

Mustaqbalka Al-Shabaab oo ku xiran Hirshabelle

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo halka ay ka istaagto xoreynta deegaanada Hirshabelle ayaa go’aamin doona mustaqbalka Al-Shabaab ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida hadda muuqata, waxa uu tuutaha militariga u xirtay, sidii uu u xoojin lahaa gulufka lagu soo afjarayo Al-Shabaabka Hirshabelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: Hirshabellewararka mantawararka somaliaXasan Sheekh
Previous Post

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Alcadaala “Xalka Al-Shabaab waa in la dilo”

Next Post

Wararka24: Weerarrada Al-Shabaab iyo daldaloolada amniga Soomaaliya

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Shabaab

Wararka24: Weerarrada Al-Shabaab iyo daldaloolada amniga Soomaaliya

Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya Warbixinta Toddobaadlaha + Faahfaahin

Farmaajo

Farmaajo oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku saabsan doorashada 2026

Recommended

Xasan Sheekh

Kulanka Xasan Sheekh iyo Mucaaradka: maxa la-filaya manta

7 months ago
Ciidamada Dowladda

Ciidamada Dowladda oo Qarax Lala Beegsaday Duleedka Magalada Qoryooley

8 months ago
UNICEF

UNICEF ayaa sheegatay Wax kabadan 221 oo carruur ah, oo Kuwa Ugu yar da’doodu tahay hal sano, lagu kufsaday Suudaan,

11 months ago
Shabeellaha Dhexe

Shabeellaha Dhexe ayaa lagu arkay Diyaarado drones ah Nooca is Qarxiyo Marki Ugu horeysay + YAA ISKA LEH?

11 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

7 months ago
Sucuudiga oo Dr. Sheekh Saalax Cabdillaahi Al-Fowsaan u magacaabay Muftiga Guud ee Boqortooyada

Sucuudiga oo Dr. Sheekh Saalax Cabdillaahi Al-Fowsaan u magacaabay Muftiga Guud ee Boqortooyada

3 months ago
SSC-Khatumo

Musharaxiinta Madaxweynaha SSC-Khatumo iyo Warbixintii ugu danbeysay.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.