• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Madaxweynaha Eritrea oo dhaliilay Trump xilli uu Mareykanku ka doonayo xiriir cusub

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweynaha Eritrea oo dhaliilay Trump xilli uu Mareykanku ka doonayo xiriir cusub
Share

Wararka24: Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda caalamiga ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isaga oo sheegay in jihada ay qaadanayso siyaasadda Washington ay u baahan tahay qiimeyn iyo taxaddar dheeraad ah.

Khudbad uu ka jeediyay magaalada Asmara munaasabadda sannad-guurada xorriyadda Eritrea, ayuu Afwerki ku sheegay in hal-ku-dhegga Trump ee “Make America Great Again” uu weli yahay arrin muran badan dhalin karta, isla markaana aan si fudud loo saadaalin karin saameynta uu ku yeelan doono dunida.

Afwerki ayaa ku eedeeyay maamulladii kala dambeeyay ee Mareykanka inay qeyb ka ahaayeen xasillooni-darrooyin caalami ah, faragelinno militari iyo kororka deynta dalkaasi. Wuxuu sidoo kale su’aal geliyay waxtarka siyaasadaha dhaqaale iyo canshuuraha ee maamulka Trump.

Madaxweynaha Eritrea ayaa sheegay in awoodda dal aan lagu cabbiri karin oo keliya awood ciidan, hub casri ah ama teknoolojiyad, balse loo baahan yahay nidaam caalami ah oo ku dhisan caddaalad iyo iskaashi.

Danka kale khudbaddiisa ayuu kaga hadlay xiisadaha la xiriira Iran iyo marin-biyoodka Hormuz, isaga oo ka digay tallaabooyin horseedi kara qalalaase hor leh. Wuxuu ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo habab diblomaasiyadeed.

Hadalka Afwerki ayaa kusoo aadaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Washington ay ka fiirsanayso hagaajinta xiriirka ay la leedahay Eritrea, kadib sannado ay jireen cunaqabateyn iyo khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay labada dhinac.

Afwerki ayaa si kooban uga hadlay xaaladda Geeska Afrika, isagoo sheegay in dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Sudan iyo South Sudan ay wajahayaan caqabado amni iyo siyaasadeed oo u baahan xalal waara iyo iskaashi gobolka dhexdiisa ah.

Madaxweynaha Eritrea ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la yareeyo faragelinta dibadda ee arrimaha gobolka, isaga oo sheegay in xasilloonida Geeska Afrika lagu gaari karo wada-shaqeyn iyo ixtiraam madax-bannaanida dalalka gobolka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.