Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Madaxweynaha Eritrea oo dhaliilay Trump xilli uu Mareykanku ka doonayo xiriir cusub

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda caalamiga ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isaga oo sheegay in jihada ay qaadanayso siyaasadda Washington ay u baahan tahay qiimeyn iyo taxaddar dheeraad ah.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 30, 2026, 5:13 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Madaxweynaha Eritrea oo dhaliilay Trump xilli uu Mareykanku ka doonayo xiriir cusub
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda caalamiga ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isaga oo sheegay in jihada ay qaadanayso siyaasadda Washington ay u baahan tahay qiimeyn iyo taxaddar dheeraad ah.

Khudbad uu ka jeediyay magaalada Asmara munaasabadda sannad-guurada xorriyadda Eritrea, ayuu Afwerki ku sheegay in hal-ku-dhegga Trump ee “Make America Great Again” uu weli yahay arrin muran badan dhalin karta, isla markaana aan si fudud loo saadaalin karin saameynta uu ku yeelan doono dunida.

Afwerki ayaa ku eedeeyay maamulladii kala dambeeyay ee Mareykanka inay qeyb ka ahaayeen xasillooni-darrooyin caalami ah, faragelinno militari iyo kororka deynta dalkaasi. Wuxuu sidoo kale su’aal geliyay waxtarka siyaasadaha dhaqaale iyo canshuuraha ee maamulka Trump.

Madaxweynaha Eritrea ayaa sheegay in awoodda dal aan lagu cabbiri karin oo keliya awood ciidan, hub casri ah ama teknoolojiyad, balse loo baahan yahay nidaam caalami ah oo ku dhisan caddaalad iyo iskaashi.

Danka kale khudbaddiisa ayuu kaga hadlay xiisadaha la xiriira Iran iyo marin-biyoodka Hormuz, isaga oo ka digay tallaabooyin horseedi kara qalalaase hor leh. Wuxuu ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo habab diblomaasiyadeed.

Hadalka Afwerki ayaa kusoo aadaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Washington ay ka fiirsanayso hagaajinta xiriirka ay la leedahay Eritrea, kadib sannado ay jireen cunaqabateyn iyo khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay labada dhinac.

Afwerki ayaa si kooban uga hadlay xaaladda Geeska Afrika, isagoo sheegay in dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Sudan iyo South Sudan ay wajahayaan caqabado amni iyo siyaasadeed oo u baahan xalal waara iyo iskaashi gobolka dhexdiisa ah.

Madaxweynaha Eritrea ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la yareeyo faragelinta dibadda ee arrimaha gobolka, isaga oo sheegay in xasilloonida Geeska Afrika lagu gaari karo wada-shaqeyn iyo ixtiraam madax-bannaanida dalalka gobolka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

4 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

6 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

6 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

7 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

7 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

7 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

7 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.