Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Soomaali-Ingiriiska ah, Maalik Xaashi, uu saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadeed, kaddib markii uu gaaray da’da 17 jir. Tallaabadan ayaa loo arkaa horumar muhiim ah oo uu sameeyay xiddigan da’da yar, kaas oo kasoo dhex baxay kulliyadda da’yarta ee kooxda.
Maalik, oo ku dhashay dalka Ingiriiska una dhashay waalidiin Soomaali ah, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah ee ka mid noqda nidaamka da’yarta Arsenal isla markaana qalinka ku duuga heshiis xirfadeed. Sida ay xaqiijisay kooxda, heshiisyada noocan ah ayaa la saxiixaa marka ciyaaryahanku gaaro 17 jir, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin muddada uu soconayo heshiiskiisa.
Ciyaaryahankan ayaa inta badan ka ciyaara khadka dhexe, gaar ahaan booska difaaca ee lambarka 6, halkaas oo uu qabto door lagu tilmaamo “burburiye” oo ah joojinta weerarada, isku xirka khadadka iyo maamulidda xawaaraha ciyaarta. Xilli-ciyaareedkan ayuu saftay 19 kulan oo uu u ciyaaray kooxaha da’yarta, laba kulan oo UEFA Youth League ah iyo hal kulan oo Premier League 2 ah.
Isagoo la hadlayay warbaahinta kooxda, Maalik Xaashi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiska, isagoo xusay in guusha uu la wadaago qoyskiisa. Wuxuu sheegay in safarkiisu ka bilaabmay ciyaar uu la ciyaari jiray aabbihii, isla markaana uu sii maray kooxaha U16 ilaa uu helay deeq waxbarasho iyo isboorti, ka hor inta uusan gaarin heerka xirfadeed.
Horumarka uu sameeyay xilli-ciyaareedkan ayaa muujinaya kobac muuqda marka loo eego xilli-ciyaareedkii hore oo uu saftay toddobo kulan oo keliya. Heshiiska xirfadeed ee uu haatan saxiixay ayaa caddeyn u ah kalsoonida ay Arsenal ku qabto mustaqbalkiisa ciyaareed.


















