
Kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer caan ku ahayd falal argagixiso, cabsi gelin iyo cadaadis ku dhisan shareeco xagjir ah, ayaa hadda la sheegayaa inay beddeshay istaraatijiyaddeedii hore, iyada oo isku dayaysa inay si kale ku raadiso taageerada shacabka Soomaaliyeed.
Muddo sanado ah, kooxda waxaa lagu xusuustaa ficillo ay ka mid yihiin dilal dadweyne, madax-jarid, iyo ciqaabo adag oo ay ugu dan lahayd cabsi gelinta bulshada. Muuqaallo naxdin leh oo ay si joogto ah u baahin jireen ayaa ka mid ahaa hubka ay ku cabsi gelin jireen shacabka iyo ciidamada dowladda.
Laakiin warar cusub iyo falanqeyn amni ayaa muujinaya in Al-Shabaab hadda ku howlan tahay isbeddel istiraatijiyadeed oo la doonayo in lagu kasbado dadweynaha, halkii laga cabsi gelin lahaa. Kooxdu waxay isku dayaysaa inay isu muujiso maamul kale oo ka duwan dowladda federaalka, iyadoo adeegsaneysa canshuur hoos loo dhigay, nidaam deegaan maamul ah, iyo kala dambeyn muuqata.
Falanqeeye Samira Gaid ayaa sheegtay in kooxda ay hoos u dhigtay muuqaalladii rabshadaha, halkii ay horey bulshada ugu cabsi gelin jirtay. “Waxay u muuqataa in meelaha ay ka shaqeynayaan aysan ku adeegsan cabsi, balse ay isku dayayaan inay ku helaan kalsoonida bulshada iyagoo adeegsanaya xeelado dhaqan iyo siyaasadeysan,” ayay tiri.
Tusaale ahaan, beelihii hore si guud loogu ciqaabi jiray eedeynta la-shaqeynta dowladda, hadda waxaa la oggol yahay in qaarkood ay hubka haystaan. Sidoo kale, kooxda waxay dhimtay lacagihii zakada, waxayna cafis siinayaan dadkii horey ula shaqeyn jiray dowladda.
“Marka laga reebo meelaha dagaalka culus sida Aadan Yabaal, Al-Shabaab waxay qaateen xeelado degan oo ay ku kasbanayaan bulshada,” ayay Gaid ku dartay.
Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ka digtay in mushaarka ciidamada hoos u dhacay, taas oo keentay walaac ku saabsan hufnaanta hawlgallada. Xilli ay jirto qorshe lagu dhimayo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa shir ka dhacay Kampala lagu soo jeediyay in la kordhiyo tirada askarta la geeyo Soomaaliya.
Falanqeeyaasha amniga ayaa tilmaamaya in hawlgaladii milatari ee hore aysan lahayn istiraatijiyad qoto dheer, taas oo sababtay guuldarrooyin isdaba joog ah. Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa inta badan hoggaan u noqday hawlgallada, iyagoo dejiyay yoolal siyaasadeed oo aan la socon qorshe ciidan oo dhisan.
Tusaale ahaan, isbeddelka joogtada ah ee hoggaanka ciidamada, sida xil ka qaadistii taliyaha ciidanka bishii Juun 2023 iyo soo celintii xilka bishii November 2024, ayaa carqaladeeyay hawlgalladii dowladda.
In kasta oo dowladda ay waddo dadaallo lagu bartilmaameedsanayo dhaqaalaha iyo warbaahinta Al-Shabaab, haddana khubaradu waxay ka digeen in kooxdu ay kasban karto bulshada haddii isbeddelka cusub uu sii socdo.
“Kooxdu ma beddelayso mabda’eeda,” ayay Gaid tiri. “Waa xeelad cusub oo ay ugu talagaleen inay si tartiib ah ugu dhex milmaan bulshada, iyagoo iska dhigaya hay’ad maamul u taagan shacabka.”
Khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda ayaa sii murjiyay xaaladda, waxaana jirta cabsi ah in dowladda aysan si dhab ah u wajahayn khatarta jirta. “La dagaallanka Al-Shabaab laguma gaari karo siyaasado kaliya,” ayay Gaid ku adkeysatay. “Waa in la helo qorshe ciidan oo mideysan, kalsoonida shacabka ah, iyo hogaamin amni oo dhab ah.