Wararka24: Khilaaf siyaasadeed ayaa la sheegay inuu dhex maray Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan, xilli maamulka uu wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo mid amni.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isku aragti ka noqon waayeen sida loo wajahayo xaaladda ka taagan Jubaland, gaar ahaan arrimaha la xiriira dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka iyo qorshaha doorashooyinka la filayo.
Wararka ayaa tilmaamaya in Axmed Madoobe uu ku amray ku xigeenkiisa inuu dib ugu laabto magaalada Kismaayo, halkaas oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland. Arrintan ayaa la xiriirta howl-gallo iyo qorshayaal amni oo maamulka doonayay in la fuliyo.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in madaxweynaha Jubaland uu shaki ka muujiyay mowqifka siyaasadeed ee Maxamuud Sayid, isagoo la socda dhaq-dhaqaaqyadiisa iyo xiriirrada uu la leeyahay dhinacyo kale oo saameyn ku leh gobolka.
Khilaafkan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan isbeddello ku saabsan doorka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xuduudda. Wararka ayaa muujinaya in isbeddelladaas ay saameyn ku yeesheen xisaabta siyaasadeed ee Jubaland.
Degmada Doolow iyo gobolka Gedo ayaa noqday meelaha ugu badan ee laga dareemayo dhaqdhaqaaqyada cusub, iyadoo dowladda federaalka ay kordhisay saameynteeda halkaas. Tani waxay sii kordhisay walaaca maamulka Jubaland.
Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa qorsheynaysa hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo laga qabto qaar kamid ah deegaannada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo sii xoojisay muranka siyaasadeed ee maamulka.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in khilaaf kasta oo gudaha Jubaland ka dhasha uu saameyn ku yeelan karo xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo marxalad doorasho iyo muran siyaasadeed oo xooggan.


















