Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Jadwalka doorashada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray jadwalka rasmiga ah ee doorashada guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 2, 2026, 11:16 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Jadwalka doorashada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray jadwalka rasmiga ah ee doorashada guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Sida jadwalku muujinayo, 2-da iyo 3-da Juun waxaa la qabanayaa araajida musharaxiinta u tartamaya xilalka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiillada. Muddadaas ayaa sidoo kale la shaacin doonaa liiska rasmiga ah ee musharaxiinta u taagan hoggaanka baarlamaanka.

4-ta Juun ayaa musharaxiinta guddoonka Golaha Wakiillada jeedin doonaan khudbadahooda ololaha, iyadoo isla maalintaas la qaban doono doorashada guddoonka cusub ee golaha.

Dhanka kale, 5-ta iyo 6-da Juun ayaa loo qorsheeyay diiwaangelinta musharaxiinta u tartamaya xilka hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Kadibna 7-da Juun ayaa la shaacin doonaa liiska kama dambaysta ah ee musharaxiinta.

Musharaxiinta u tartamaya hoggaanka maamulka ayaa 8-da Juun soo bandhigi doona barnaamijyadooda siyaasadeed iyo qorshayaashooda hoggaamineed, iyagoo khudbado ka hor jeedin doona xubnaha Golaha Wakiillada.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay in 10-ka Juun loo asteeyay maalinta la qabanayo doorashada hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, taas oo lagu soo dooran doono maamulka hoggaamin doona dowlad-goboleedka sannadaha soo socda.

Doorashooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, kadib iska horimaadyo dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa weli ku adkeysanaya mowqifkiisa siyaasadeed, iyadoo arrintaasi ay sii xoojisay muranka ku saabsan hoggaanka maamulka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

24 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.