• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Jadwalka doorashada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Jadwalka doorashada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay
Share

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray jadwalka rasmiga ah ee doorashada guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Sida jadwalku muujinayo, 2-da iyo 3-da Juun waxaa la qabanayaa araajida musharaxiinta u tartamaya xilalka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiillada. Muddadaas ayaa sidoo kale la shaacin doonaa liiska rasmiga ah ee musharaxiinta u taagan hoggaanka baarlamaanka.

4-ta Juun ayaa musharaxiinta guddoonka Golaha Wakiillada jeedin doonaan khudbadahooda ololaha, iyadoo isla maalintaas la qaban doono doorashada guddoonka cusub ee golaha.

Dhanka kale, 5-ta iyo 6-da Juun ayaa loo qorsheeyay diiwaangelinta musharaxiinta u tartamaya xilka hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Kadibna 7-da Juun ayaa la shaacin doonaa liiska kama dambaysta ah ee musharaxiinta.

Musharaxiinta u tartamaya hoggaanka maamulka ayaa 8-da Juun soo bandhigi doona barnaamijyadooda siyaasadeed iyo qorshayaashooda hoggaamineed, iyagoo khudbado ka hor jeedin doona xubnaha Golaha Wakiillada.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay in 10-ka Juun loo asteeyay maalinta la qabanayo doorashada hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, taas oo lagu soo dooran doono maamulka hoggaamin doona dowlad-goboleedka sannadaha soo socda.

Doorashooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, kadib iska horimaadyo dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa weli ku adkeysanaya mowqifkiisa siyaasadeed, iyadoo arrintaasi ay sii xoojisay muranka ku saabsan hoggaanka maamulka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.