Wararka24: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta u kicitimay magaalada Baydhaba, isaga oo diyaarad Helicopter ah ka raacay Muqdisho.
Safarkan ayaa waxaa ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan madaxtooyada, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed.
Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya hoggaamiyaha iyo xubno kale oo la socda oo u duulaya Baydhaba, halkaas oo ay horey u gaareen madax kale oo sare.
Socdaalkan ayaa kusoo aadaya saacado kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu si rasmi ah u magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji inuu noqdo hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Jibriil ayaa hore u ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad, wuxuuna xilkan beddelay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Isbeddelkan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen magaalada Baydhaba, taas oo beddeshay jihada siyaasadeed ee maamulka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan qorsheynaysa inay qabato doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Koonfur Galbeed, inkastoo ay arrintan ka jiraan aragtiyo kala duwan.


















