• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Himilo Qaran oo faahfaahin ka bixisay dagaalkii Muqdisho iyo heshiiskii xigay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Himilo Qaran oo faahfaahin ka bixisay dagaalkii Muqdisho iyo heshiiskii xigay

A picture taken on May 22, 2010 shows Somalian President Sharif Sheikh Ahmed as he talks to media during a press conference with Turkish Foreign Minister Ahmed Davutoglu and U.N. Secretary General Ban Ki-moon (both unseen) after the Istanbul Conference of Somalia, on May 22, 2010 in Istanbul. UN Secretary General Ban Ki-moon opened an international conference on ending instability in Somalia with an appeal for global support for its transitional federal government. AFP PHOTO / MUSTAFA OZER (Photo credit sh

Share

Wararka24: Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku faahfaahiyay dhacdooyinkii la xiriiray dagaalkii ka dhacay xaruntiisa degmada Cabdicasiis iyo qodobada lagu heshiiyay si loo dejiyo xiisadda.

Xisbiga ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday xaruntiisa uu dhacay 3-dii Juun 2026, xilli ay madaxda iyo howl-wadeennadu ku jireen diyaarinta bannaanbax nabadeed oo la qorsheeyay inuu ka dhaco Muqdisho. Sida uu xisbigu sheegay, bannaanbaxaasi wuxuu ahaa mid lagu muujinayay aragtiyo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Himilo Qaran ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda inay adeegsadeen hub culus, madaafiic iyo daroonno, iyadoo sheegtay in qalabkaasi markii hore loogu talagalay la dagaallanka kooxaha argagixisada. Xisbigu wuxuu sheegay in ilaaladiisu ay iska caabiyeen weerarka isla markaana ay muujiyeen dulqaad iyo masuuliyad.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kadib dagaalka ay billowdeen dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay hormuud ka ahaayeen wakiillo ka socda beesha caalamka iyo odayaal dhaqameed, kuwaas oo lagu doonayay in lagu joojiyo colaadda.

Sida uu xisbigu sheegay, 4-tii Juun waxaa lagu heshiiyay qodobo ay ka mid yihiin xabbad-joojin degdeg ah, kala qaadista ciidamada is-horfadhiyay iyo in la bilaabo wada-hadallo siyaasadeed oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Qodobada kale ee uu xisbigu sheegay in lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in ciidamada goobta joogay loo oggolaado inay qaataan gaadiid iyo agab waxyeello soo gaartay, iyo in aan ciidamo cusub la geeyn xarunta cusub ee Himilo Qaran ee xeebta Liido.

Himilo Qaran ayaa sidoo kale ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu jebiyay heshiiska xabbad-joojinta, iyadoo sheegtay in ciidamo ka tirsan NISA ay jid-gooyo u dhigeen kolonyo ay la socdeen wakiillo caalami ah oo ku sii jeeday xarunta xisbiga.

Xisbiga ayaa xusay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu door weyn ka qaatay dejinta xaaladda iyo ka hortagga isku dhac hor leh intii ay socdeen dadaallada lagu xallinayay xiisadda.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ciidamada ammaanku ay soo gabagabeeyeen howlgal amni oo lagu wajahayo kooxo hubeysan oo ay ku eedeysay inay amni-darro ka abuureen Muqdisho. Dowladda waxay sidoo kale ku eedeysay siyaasiyiin mucaarad ah inay abaabuleen maleeshiyaad hubeysan, halka mucaaradkuna ay dowladda ku eedeeyeen adeegsiga awood ciidan oo ka dhan ah khilaaf siyaasadeed.

Xiisadda ka dhalatay dhacdooyinkan ayaa weli ah mid si weyn looga hadal hayo gudaha dalka, iyadoo dadaallada wada-hadalka iyo dhexdhexaadinta ay sii socdaan.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.