• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda oo sheegtay in maalgelin dibadeed ka dambeysay rabshadihii Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dowladda oo sheegtay in maalgelin dibadeed ka dambeysay rabshadihii Muqdisho
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maalgelin abaabulan ay ka dambeysay rabshadihii iyo iska horimaadyadii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ku adkeysatay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen howlgal socday 48 saac.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in la fashiliyay qorshe uu ku tilmaamay mid lagu doonayay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida dalka.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X ayuu wasiirku ku sheegay in kooxihii la soo abaabulay ay ku guuldareysteen ujeeddooyinkoodii, isla markaana ciidamada ammaanka ay ka hortageen bartilmaameedyo ay doonayeen inay weeraraan.

Si kastaba, dowladda ma aysan shaacin cidda ay ku eedeyneyso maalgelinta rabshadaha, mana soo bandhigin caddeymo rasmi ah oo taageeraya eedeymahaas. Hadalka wasiirka ayaa muujinaya in dowladda ay aaminsan tahay in qalalaasaha Muqdisho uu lahaa taageero abaabulan oo gudaha iyo dibaddaba leh.

Dhanka kale, Wasaaradda Warfaafinta ayaa hore u sheegtay in howlgalka amniga lagu beegsaday kooxo hubeysan oo dowladda ku eedeysay inay xiriir la lahaayeen siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mucaaradka ayaa si cad u diiday eedeymaha dowladda, iyagoo ku dooday in ciidamada dowladda ay weeraro ku qaadeen siyaasiyiin iyo xarumo ay deganaayeen hoggaamiyeyaal mucaarad ah xilli uu taagnaa muran siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka iyo isbeddellada dastuurka.

Xasan Cali Kheyre ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu amray weerarro lagu bartilmaameedsaday isaga iyo siyaasiyiin kale, halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in ciidamada dowladda ay hareereeyeen hoygiisa ku yaalla Mirinaayo.

Wararka ugu dambeeyay ayaa muujinaya in labada dhinac ay dib uga laabteen goobihii ugu xasaasisanaa, iyadoo dadaallo dhexdhexaadin iyo wada-hadal lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda ay weli socdaan.

Muqdisho ayaa hadda u muuqata mid ka deggan sidii maalmihii hore, inkastoo weli ay jiraan walaacyo la xiriira khilaafka siyaasadeed iyo saameynta uu ku yeelan karo amniga iyo xasilloonida dalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.