• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda oo sheegtay inay soo afjartay dhaq-dhaqaaqyadii hubeysnaa ee mucaaradka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dowladda oo sheegtay inay soo afjartay dhaq-dhaqaaqyadii hubeysnaa ee mucaaradka
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay soo gabagabeeyeen hawlgal socday muddo 48 saac ah, kaas oo ay ku tilmaantay mid looga hortagayay dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay tallaabo ka qaadeen kooxo hubeysan oo dowladda ku eedeysay inay doonayeen inay xaalad amni darro ka abuuraan caasimadda.

Qoraalka dowladda ayaa lagu sheegay in kooxahaasi ay ku hubeysnaayeen hub culus, islamarkaana ay ka howlgalayeen xaafado ka tirsan Muqdisho. Dowladda waxay ku eedeysay in kooxahaas ay xiriir la lahaayeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dowladdu waxay sheegtay in ciidamada amniga ay hub ka dhigeen xubno ka tirsan kooxahaas, isla markaana ay si taxaddar leh u maareeyeen hawlgalka si loo ilaaliyo shacabka iyo amniga guud ee magaalada.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in hay’adaha amniga iyo garsoorka ay bilaabeen baaritaanno rasmi ah, iyadoo la sheegay in cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd falal sharci-darro ah la horgeyn doono cadaaladda.

Dowladdu waxay markale ku celisay in ciidamada amniga qaranka ay yihiin hay’adaha keliya ee sharci ahaan u leh haysashada iyo adeegsiga hubka, iyadoo ka digtay koox kasta ama shaqsi kasta oo ku lug yeesha abaabul ciidan ama hub sharci-darro ah.

Dhanka kale, weli kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ka timid dhinacyada mucaaradka ee lagu magacaabay war-saxaafadeedka dowladda.

Xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay sababtay walaac amni iyo baaqyo isdaba joog ah oo uga yimid beesha caalamka, kuwaas oo ku aaddan in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.