Wararka24: 4-02-2026 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ay xalay fulisay howlgal amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay.
NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana la burburiyay goobo ay ku kaydsanaayeen hub iyo xarumo ay gabaad ka dhiganayeen dagaalyahannada. Hay’addu waxay intaas ku dartay in howlgalka lagu fuliyay iskaashi lala yeeshay saaxiibo caalami ah.
Howlgalkan ayaa, sida ay NISA sheegtay, daba socday howlgallo kale oo maalmo ka hor laga fuliyay deegaanka Maxaa Saciid ee isla gobolkaas, halkaas oo lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab. Hay’addu waxay sheegtay in howlgalkaas lagu beegsaday xilli ay ku sugnaayeen guri ku yaalla deegaanka, islamarkaana lagu dilay shan horjooge, halka saddex kale ay soo gaareen dhaawacyo culus.
NISA ayaa ugu baaqday shacabka ku nool deegaannada ay Al-Shabaab ka taliyaan in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda, iyadoo sheegtay in goobahaasi ay yihiin bartilmaameedyo ay si joogto ah u beegsadaan Ciidamada Qaranka. Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sanadkii hore la sheegay in ay la wareegtay dhulal ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, arrintaas oo dib u dhac ku keentay howlgalladii ay dowladda horey uga fulisay gobolka.



















