• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Qaramada Midoobay oo xoojinaya iskaashiga gurmadka bani’aadannimo

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Qaramada Midoobay oo xoojinaya iskaashiga gurmadka bani’aadannimo
Share

Wararka24: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta xarunta hay’adda ku qaabilay Tom Fletcher, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah si wax looga qabto dhibaatooyinka sii kordhaya.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa kulanka ku soo bandhigay xaaladaha adag ee dalka ka jira, gaar ahaan saameynta ay abaaruhu, barakaca iyo isbeddelka cimiladu ku yeesheen bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo gurmadka iyo taageerada dadka nugul.

Tom Fletcher ayaa sheegay in booqashadiisa Soomaaliya ay la xiriirto qiimeynta xaaladaha bani’aadannimo iyo saameynta musiibooyinka dabiiciga ah, si loo xoojiyo taageerada caalamiga ah ee loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay madax ka socotay hay’adaha bani’aadannimada, kuwaas oo isla qaatay muhiimadda wada-shaqeyn dhow oo lagu xallinayo caqabadaha bani’aadannimo ee dalka ka jira.

Soomaaliya ayaa weli wajahaysa xaalado bani’aadannimo oo adag, iyadoo kumannaan qoys ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo barakaca, taas oo sare u qaadaysa baahida loo qabo gurmad degdeg ah iyo qorsheyaal waara oo wax looga qabto dhibaatooyinkaasi.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.