Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Abaaraha Soomaaliya oo barakiciyay ku dhowaad 62,000 qof

Ku dhowaad 62,000 oo qof ayaa ka barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadkan, sida ay sheegtay hay’adda Caalamiga ee socdaalka (IOM).

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 25, 2026, 11:33 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Abaaraha Soomaaliya oo barakiciyay ku dhowaad 62,000 qof
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ku dhowaad 62,000 oo qof ayaa ka barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadkan, sida ay sheegtay  hay’adda Caalamiga ee socdaalka (IOM).

Hay’addu waxay tilmaamtay in abaartu ay sabab u tahay in ka badan saddex meelood laba meel barakacyada cusub, iyadoo la diiwaangeliyay koror gaaraya 22 boqolkiiba marka loo eego sanadkii hore. Tani waxay muujinaysaa saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada.

Sida ku cad xogta Displacement Tracking Matrix (DTM), waxaa la filayaa in ilaa 125,000 oo qof oo kale ay barakacaan rubuca labaad ee sanadkan, xitaa haddii roobabka xilliga Gu ay noqdaan kuwo caadi ah ama ka wanaagsan celceliska.

Madaxa IOM ee Soomaaliya, Manuel Pereira, ayaa sheegay in xaaladdu tahay mid sii xumaanaysa. Wuxuu xusay in yaraanta biyaha, qalaylka dalagyada iyo burburka nolol-maalmeedka ay dadka ku qasbayaan inay ka guuraan deegaanadooda.

Degmooyinka sida Baydhabo, Dayniile, Kahda, Diinsoor iyo Doolow ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay abaartu saameysay, halkaas oo ay ka jiraan dalagyo baaba’ay iyo ilaha dhaqaale oo burburay. Arrintan ayaa sii kordhisay gaajada iyo culayska ku yimid adeegyada aasaasiga ah.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in haddii aan si degdeg ah loo qaadin tallaabooyin wax ku ool ah, abaartu ay sii wadi doonto inay kala daadiso bulshooyinka, isla markaana ay kordhiso nuglaanta dadka ku nool meelaha ay dhibaatadu saameysay.

Xaaladdan ayaa kusoo beegmeysa xilli Soomaaliya ay weli la tacaaleyso saameynta abaaro soo noqnoqday, kuwaas oo si weyn u saameeyay nolosha malaayiin qof oo ku tiirsan beeraha iyo xoolaha


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

30 minutes ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

44 minutes ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

59 minutes ago
Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

1 hour ago
QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

7 hours ago
Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

8 hours ago
Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

8 hours ago
Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

9 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.