Wararka24: Warbixin cusub oo Qaramada Midoobay ah ayaa lagu qiyaasay in kooxda Daacish ee Soomaaliya, aya lagu qiyaasay inta u dhexeysa 150 iyo 250 dagaalame, kuwaas oo inta badan ku sugan deegaannada buuraleyda ah ee Puntland.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in awoodda kooxda ay si weyn hoos ugu dhacday kadib howlgallo militari oo ka dhan ah saldhigyadeeda, gaar ahaan dagaalladii ka dhacay silsiladda buuraha Cal-Miskaad. Howlgalladaas ayaa kooxda ku qasbay inay ka baxdo qaar ka mid ah fariisimo ay muddo ku lahayd deegaanka.
Qiyaasta cusub ayaa aad uga hooseysa tirooyinka hore oo laga sheegay awoodda IS-Somalia. General Michael Langley ayaa sannadkii 2025 sheegay in kooxda ay lahayd awood u dhexeysa 1,200 iyo 1,500 dagaalame, iyadoo tiro badan oo ka mid ah lagu sheegay inay ahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah.
Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in IS-Somalia ay weli leedahay hoggaan sare oo ay ka mid yihiin Cabdqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud. Muumin ayaa lagu tilmaamay hoggaamiye sare oo ka tirsan shabakadda Daacish, halka Faahiye uu yahay amiirka IS-Somalia.
Hoos u dhaca awoodda kooxda ayaa lala xiriiriyay howlgallada dhulka ee ciidamada Puntland iyo duqeymaha cirka ee lagu beegsaday goobaha ay kooxda ku sugneyd. Warbixinno hore oo Qaramada Midoobay ah ayaa sidoo kale xusay in kooxda ay khasaarooyin culus la kulantay intii lagu jiray howlgalladii 2025.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaan gebi ahaanba meesha ka bixin. Warbixinta cusub ayaa tilmaamaysa in IS-Somalia ay weli awood u leedahay inay dib u abaabusho qaybo ka mid ah ciidamadeeda, iyadoo mararka qaar isku dayday inay dib ugu laabato goobo hore looga saaray.
Xogta Qaramada Midoobay waxay sidoo kale muujinaysaa in awoodda dhaqaale ee kooxda ay xaddidan tahay, isla markaana aysan hadda awood u lahayn inay si weyn u taageerto laamaha kale ee Daacish.
Inkasta oo tirada dagaalamayaasha ay si weyn hoos ugu dhacday, joogitaanka maleeshiyaadka hubeysan ayaa ka dhigan in IS-Somalia ay weli tahay khatar amni oo ka jirta deegaannada Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah.







