Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalku u baahan yahay taageero iyo iskaashi caalami ah si loo sugo amniga xeebihiisa oo dhererkoodu gaarayo 3,400 kiiloomitir, isaga oo tilmaamay in baaxadda xeebaha iyo awoodda amni ee dalka aysan suuragelinayn in Soomaaliya kaligeed ilaaliso.
Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in ilaalinta xeebaha Soomaaliya ay tahay hawl u baahan iskaashi caalami ah, maadaama ay ka weyn tahay awoodda uu dal keliya ku fulin karo.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer wajahaysay caqabado la xiriira dhul ballaaran oo aan lahayn maamul dowladeed oo wax ku ool ah.
Sida uu sheegay, xaaladdaasi waxay qayb ka ahayd dhibaatooyinka amni ee dalka, waxayna fursad siisay kooxaha argagixisada iyo burcad-badeedda inay ka hawlgalaan qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay dib u soo ifbixidda falalka burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dadaalladii caalamiga ahaa ee hore loogu wajahay dhibaatadaasi ay inta badan diiradda saareen xakamaynta weerarrada, balse aan si buuxda wax looga qaban sababihii keenayay.
Wuxuu xusay in burcad-badeeddu aysan ku koobnayn badda, balse ay saldhigyo iyo shabakado ku leeyihiin dhulka, taasoo ka dhigaysa in xal waara uu u baahan yahay in wax laga qabto xaaladaha amni iyo dhaqaale ee deegaannada xeebaha.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in xoojinta ciidamada ilaalada xeebaha, sugidda amniga dhulka ku teedsan xeebaha iyo abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada loogu jiheeyo nolol kale ay muhiim u yihiin la dagaallanka burcad-badeednimada.
Madaxweynaha ayaa saboolnimada iyo shaqo la’aanta ku tilmaamay arrimo ka qayb qaata in dhallinyarada qaarkood ay ku biiraan falalka burcad-badeednimada. Waxa uu sidoo kale sheegay in dad badan ay dhowaan ku dhinteen hawlgallo la xiriira falalkaas.
Wuxuu intaas ku daray in dalal ay ka mid tahay Hindiya ay ku xiran yihiin Soomaali lagu eedeeyay burcad-badeednimo, kuwaas oo lagu qabtay iyaga oo ka hawlgala biyaha dalal kale.
Hadalkan ayaa imanaya xilli weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya ay dib u soo kordheen, taasoo walaac ku abuurtay maraakiibta ganacsiga iyo amniga isu-socodka badda ee gobolka.









