Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Duqeyn lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab ku shirayeen duleedka Baydhaba

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn dhanka cirka ah oo xalay ka dhacday duleedka magaalada Baydhaba ee gobolka Baay, iyadoo xaaladda amni ee magaalada iyo nawaaxigeeda ay weli tahay mid kacsan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 8, 2026, 11:28 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Duqeyn lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab ku shirayeen duleedka Baydhaba
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn dhanka cirka ah oo xalay ka dhacday duleedka magaalada Baydhaba ee gobolka Baay, iyadoo xaaladda amni ee magaalada iyo nawaaxigeeda ay weli tahay mid kacsan.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeynta lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay halkaasi ku abaabulayeen howlgallo iyo weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in goobta ay ku sugnaayeen xubno iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda, waxaana la soo wariyey in duqeynta ay sababtay dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba, tirada khasaaraha ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Warar kale ayaa sheegaya in duqeynta lagu burburiyey gaari dagaal oo ay kooxda leedahay, iyadoo goobta lagu tilmaamay xarun ay Al-Shabaab u adeegsan jirtay isku dubbaridka dhaqdhaqaaqyada militari ee ka socda duleedka Baydhaba.

Ilo amni ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu la xiriiray qorshe la sheegay in Al-Shabaab ay ku doonaysay inay weerar kaga fuliso magaalada. Hase yeeshee, faahfaahinta qorshahaas iyo natiijada duqeynta ayaan weli helin xaqiijin rasmi ah oo dhammeystiran.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmeysa xilli Baydhaba ay ka jirto xaalad amni oo adag, kadib dagaallo dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Dagaalladii 3-dii Sebtembar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo warbixinno kala duwan ay bixiyeen dhinacyada ku lugta lahaa. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in in ka badan 40 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah lagu dilay weerarkaas, balse tiradaas si madax-bannaan looma xaqiijin.

Xaaladda Baydhaba ayaa weli si dhow loo eegayaa, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay wadaan howlgallo lagu xoojinayo amniga magaalada iyo deegaannada ku dhow.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.