• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo sarkaal u xirtay tacaddiga maxbuus Shabaab ah

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 days ago
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya oo sarkaal u xirtay tacaddiga maxbuus Shabaab ah
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay sarkaal ka tirsan ciidamada, kaas oo lagu eedeeyay inuu tacaddi u geystay maxbuus ka tirsanaa Al-Shabaab, kaddib markii muuqaal muujinaya falkaasi lagu faafiyay baraha bulshada. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay saacado gudahood markii muuqaalka la baahiyay.

Wasiirka ayaa sheegay in sarkaalka hadda wajahayo tallaabo sharci ah, isla markaana maxkamad la horgeyn doono. Wuxuu tilmaamay in dowladda aysan oggolayn in qof maxbuus ah, xitaa haddii uu ka tirsan yahay koox hubeysan, loo geysto jirdil ama fal ka baxsan sharciga.

“Shabaab oo xabbad wata, dadka dilaya oo dadkeenna dhibaateynaya, waxaan oggolnahay in sharciga hortiisa la keeno,” ayuu yiri Fiqi. Wuxuu intaas ku daray in aan loo bannaanayn in maxbuus lagu ciqaabo ama lagu dhibaateeyo qaab wax u dhimaya karaamadiisa iyo xuquuqdiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in dhacdadan ay dowladda ka qaadday tallaabo degdeg ah, kadib markii muuqaalka falka uu soo galay baraha bulshada. Sida uu sheegay, sarkaalka ayaa la qabtay saacado kaddib, iyadoo dowladda ay qorsheyneyso in kiiska loo gudbiyo maxkamadda si waafaqsan sharciga.

Dhanka kale, Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay waddo dadaallo lagu xoojinayo ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada ay ciidamada fulinayaan howlgallada milatari. Wuxuu xusay in arrintan ay si gaar ah muhiim uga tahay deegaannada ay ka socdaan dagaallada lagula jiro kooxaha hubeysan.

Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay howlgallo dhawaan ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo uu sheegay inay waxyeello kasoo gaartay qaar ka mid ah beeraha. Wuxuu sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay ilaaliyaan shacabka iyo hantidooda, oo ay ku jiraan beeraha iyo guryaha.

“Waxaan ka hadlaynaa in dhirta la ilaaliyo, beeraha iyo hantida dadka la ilaaliyo, laakiin waxa intaas ka horreeya waa in insaanka la ilaaliyo,” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda ayaa sheegtay inay arrimaha ilaalinta rayidka iska kaashanayaan hay’adaha dowladda, ciidamada iyo hay’adaha caalamiga ah. Sida uu wasiirku sheegay, waxaa la sameeyay hannaan wada shaqeyn ah oo lagu xoojinayo ilaalinta dadka rayidka ah iyo dhowrista xuquuqda aadanaha xilliyada colaadaha.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.