Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xildhibaanno ka tirsan Mucaaradka oo maanta looga adkaaday BF

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta diiday mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan mucaaradka, kaas oo lagu dalbanayay in ajandaha kulanka lagu daro dood ku saabsan xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 5, 2026, 4:36 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xildhibaanno ka tirsan Mucaaradka oo maanta looga adkaaday BF
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta diiday mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan mucaaradka, kaas oo lagu dalbanayay in ajandaha kulanka lagu daro dood ku saabsan xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Mooshinka ayaa xildhibaannada mucaaradku doonayeen in Golaha Shacabka uu ka yeesho dood gaar ah, iyagoo sheegay in ay jiraan arrimo u baahan in baarlamaanka si furan uga hadlo. Waxay sidoo kale ku doodayeen in goluhu leeyahay mas’uuliyadda la xiriirta la xisaabtanka dowladda iyo qiimeynta xaaladda guud ee dalka.

Markii mooshinka loo weeciyay dhanka cod-ka, waxaa cod batay xildhibaannada taageersan dowladda, kuwaas oo diiday in qodobada ku xusan mooshinka lagu daro ajandaha kulanka. Sidaas darteed, mooshinka ma uusan helin taageeradii loo baahnaa si dood looga yeesho.

Xildhibaannada taageersan dowladda ayaa ku dooday in Soomaaliya ay haatan ku jirto xaalad wanaagsan marka la eego dhinacyada siyaasadda, amniga iyo xasilloonida, sidaas darteedna aysan muhiim ahayn in mooshinkaasi laga dhigo ajande gaar ah oo Golaha Shacabka looga doodo.

Dhinaca kale, xildhibaannada mucaaradka ayaa ku adkeystay in baarlamaanka uu waajib ku yahay inuu ka hadlo xaaladda dalka, iyagoo tilmaamay inay jiraan caqabado siyaasadeed, dhaqaale iyo amni oo u baahan in si gaar ah loo baaro loogana doodo.

Diidmada mooshinka ayaa muujisay kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ka dhex jira Golaha Shacabka, gaar ahaan sida ay xildhibaannadu u qiimeynayaan xaaladda dalka iyo waxqabadka dowladda federaalka.

Kulanka maanta ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka taagan yihiin doodo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka siyaasadda, arrimaha amniga iyo jihada doorashooyinka dalka. Dowladda iyo mucaaradka ayaa marar badan isku khilaafay qaabka loo wajahayo arrimahaas iyo waqtiga loo baahan yahay in baarlamaanka uu ka doodo.

Go’aanka Golaha Shacabka ayaa ka dhigan in mooshinkii mucaaradka uusan noqon ajande loga doodo kulanka maanta, iyadoo xildhibaannada taageersan dowladda ay cod ahaan kaga adkaadeen dhinaca mucaaradka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.