• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xildhibaanno ka tirsan Mucaaradka oo maanta looga adkaaday BF

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
6 days ago
Reading Time: 3 mins read
Xildhibaanno ka tirsan Mucaaradka oo maanta looga adkaaday BF
Share

Wararka24: Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta diiday mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan mucaaradka, kaas oo lagu dalbanayay in ajandaha kulanka lagu daro dood ku saabsan xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Mooshinka ayaa xildhibaannada mucaaradku doonayeen in Golaha Shacabka uu ka yeesho dood gaar ah, iyagoo sheegay in ay jiraan arrimo u baahan in baarlamaanka si furan uga hadlo. Waxay sidoo kale ku doodayeen in goluhu leeyahay mas’uuliyadda la xiriirta la xisaabtanka dowladda iyo qiimeynta xaaladda guud ee dalka.

Markii mooshinka loo weeciyay dhanka cod-ka, waxaa cod batay xildhibaannada taageersan dowladda, kuwaas oo diiday in qodobada ku xusan mooshinka lagu daro ajandaha kulanka. Sidaas darteed, mooshinka ma uusan helin taageeradii loo baahnaa si dood looga yeesho.

Xildhibaannada taageersan dowladda ayaa ku dooday in Soomaaliya ay haatan ku jirto xaalad wanaagsan marka la eego dhinacyada siyaasadda, amniga iyo xasilloonida, sidaas darteedna aysan muhiim ahayn in mooshinkaasi laga dhigo ajande gaar ah oo Golaha Shacabka looga doodo.

Dhinaca kale, xildhibaannada mucaaradka ayaa ku adkeystay in baarlamaanka uu waajib ku yahay inuu ka hadlo xaaladda dalka, iyagoo tilmaamay inay jiraan caqabado siyaasadeed, dhaqaale iyo amni oo u baahan in si gaar ah loo baaro loogana doodo.

Diidmada mooshinka ayaa muujisay kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ka dhex jira Golaha Shacabka, gaar ahaan sida ay xildhibaannadu u qiimeynayaan xaaladda dalka iyo waxqabadka dowladda federaalka.

Kulanka maanta ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka taagan yihiin doodo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka siyaasadda, arrimaha amniga iyo jihada doorashooyinka dalka. Dowladda iyo mucaaradka ayaa marar badan isku khilaafay qaabka loo wajahayo arrimahaas iyo waqtiga loo baahan yahay in baarlamaanka uu ka doodo.

Go’aanka Golaha Shacabka ayaa ka dhigan in mooshinkii mucaaradka uusan noqon ajande loga doodo kulanka maanta, iyadoo xildhibaannada taageersan dowladda ay cod ahaan kaga adkaadeen dhinaca mucaaradka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.