Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Laftagareen oo sheegay in duqeynta guriga taliye SHUB loo adeegsaday F-16

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay duqeymo uu sheegay inay ka dhaceen degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo deegaano ku dhow magaalada Baydhaba, iyadoo dowladda…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 5, 2026, 1:24 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Laftagareen oo sheegay in duqeynta guriga taliye SHUB loo adeegsaday F-16
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay duqeymo uu sheegay inay ka dhaceen degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo deegaano ku dhow magaalada Baydhaba, iyadoo dowladda federaalku horey u diidday inay wax lug ah ku leedahay dhacdadii ka dhacday Doolow.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Laftagareen, oo weli isku magacaabaya “Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya”, ayaa lagu sheegay in duqeymaha loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16. Laftagareen wuxuu sheegay in dhinaciisu uu ogyahay cidda bixisay amarka duqeymaha, balse uusan magacaabin qofka ama cidda uu ula jeedo.

Bayaanka ayaa si gaar ah loogu xusay weerarkii habeenkii Khamiista lala beegsaday Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub, iyo duqeyn kale oo la sheegay inay Jimcihii ka dhacday nawaaxiga Baydhaba. Laftagareen wuxuu ku dooday in weerarka Doolow uu ahaa isku day lagu doonayay in lagu dilo Taliye Shub, isaga oo mas’uuliyadda siyaasadeed ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda federaalka ayaa Jimcihii sheegtay inay si dhow ula socoto dhacdada Doolow, balse si cad ayay u sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda, xogaha hordhaca ah ee hay’adaha ammaanka ayaa tilmaamayay in qaraxyadu ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga.

Dowladdu waxay sheegtay inay magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan ku sameeya dhacdada, ujeeddadeeda iyo cidda ka dambeysay. Waxay sidoo kale ka digtay in la faafiyo warar aan la xaqiijin ka hor inta aan baaritaanka la soo gabagabeyn.

Laftagareen ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay si khaldan u adeegsanayso qalabka iyo awoodda ciidan ee Soomaaliya ka heshay Turkiga, isaga oo sheegay in loo adeegsanayo cadaadis ka dhan ah siyaasiyiinta iyo shacabka ka soo horjeeda dowladda. Eedeymahan ayaa ka mid ah hadallada ugu dambeeyay ee muujinaya sida uu u sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya labada dhinac.

Ugu dambeyn, Laftagareen wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Mareykanka, Britain iyo dhinacyada kale ee caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda Koonfur Galbeed.

Ilaa hadda, sheegashada ku saabsan adeegsiga diyaaradaha F-16 iyo cidda ka dambeysay weerarkii Doolow si madax-bannaan looma xaqiijin. Sidoo kale, baaritaanka dowladda ee dhacdada ayaa weli socda, waxaana la sugayaa natiijada rasmiga ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.