Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo iska fogeysay inay beegsatay guriga Taliye Shub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku lahayd dhacdadii ka dhacday guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub), iyadoo sheegtay inay baaritaan rasmi ah ku sameyn doonto dhacdada.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 4, 2026, 6:03 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya oo iska fogeysay inay beegsatay guriga Taliye Shub
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku lahayd dhacdadii ka dhacday guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub), iyadoo sheegtay inay baaritaan rasmi ah ku sameyn doonto dhacdada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xogaha horudhaca ah ee ay helayaan hay’adaha amniga ay muujinayaan in qaraxyadu ay ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga. Dowladda ayaa sheegtay in arrintaasi ay u baahan tahay baaritaan dhammeystiran.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay si degdeg ah u magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan ku sameeya dhacdada, ujeeddada laga lahaa iyo cidda ka dambeysay. Natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in marka uu soo dhammaado lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed.

“Degmada Doolow waxay ka mid tahay deegaannada muhiimka u ah amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta. Dowladda ayaa intaas ku dartay inay mudnaan gaar ah siinayso xasilloonida degmada iyo badqabka shacabka ku nool.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale shacabka uga digtay inay rumaystaan warar ay ku tilmaantay kuwo been abuur ah oo ka hordhacaya baaritaanka rasmiga ah. Dowladda ayaa sheegtay in wararka noocaas ah loo adeegsan karo jahwareerinta shacabka iyo sii hurinta xiisadaha ka jira deegaanka.

Dhacdada Doolow ayaa dood iyo eedeymo siyaasadeed ka dhex abuurtay dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland. Jubaland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ku eedeysay inay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday guriga General Mahad Shub.

Maamulka Jubaland ayaa sidoo kale sheegay in Taliye Shub loo bartilmaameedsaday sababo la xiriira kala aragti duwanaansho siyaasadeed. Eedeymahaas ayaa dowladda federaalka si cad u diiday, iyadoo ku adkeysatay in baaritaanka rasmiga ah uu go’aamin doono xaqiiqada dhacdada.

Jubaland ayaa sidoo kale Qaramada Midoobay ugu baaqday inay dib u eegto go’aankii Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka. Maamulka ayaa sheegay in tallaabadaas loo baahan yahay in dib loo eego inta laga helayo hay’ad dowladeed oo uu ku tilmaamay mid si buuxda mas’uul uga ah maaraynta hubka caalamku ugu deeqayo Soomaaliya.

Dhacdada ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira koonfurta Soomaaliya. Baaritaanka dowladda ayaa la filayaa inuu caddeeyo waxa sababay qaraxyada, sida ay u dhaceen iyo cidda mas’uulka ka ahayd.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.