Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku lahayd dhacdadii ka dhacday guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub), iyadoo sheegtay inay baaritaan rasmi ah ku sameyn doonto dhacdada.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xogaha horudhaca ah ee ay helayaan hay’adaha amniga ay muujinayaan in qaraxyadu ay ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga. Dowladda ayaa sheegtay in arrintaasi ay u baahan tahay baaritaan dhammeystiran.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay si degdeg ah u magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan ku sameeya dhacdada, ujeeddada laga lahaa iyo cidda ka dambeysay. Natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in marka uu soo dhammaado lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed.
“Degmada Doolow waxay ka mid tahay deegaannada muhiimka u ah amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta. Dowladda ayaa intaas ku dartay inay mudnaan gaar ah siinayso xasilloonida degmada iyo badqabka shacabka ku nool.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale shacabka uga digtay inay rumaystaan warar ay ku tilmaantay kuwo been abuur ah oo ka hordhacaya baaritaanka rasmiga ah. Dowladda ayaa sheegtay in wararka noocaas ah loo adeegsan karo jahwareerinta shacabka iyo sii hurinta xiisadaha ka jira deegaanka.

Dhacdada Doolow ayaa dood iyo eedeymo siyaasadeed ka dhex abuurtay dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland. Jubaland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ku eedeysay inay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday guriga General Mahad Shub.
Maamulka Jubaland ayaa sidoo kale sheegay in Taliye Shub loo bartilmaameedsaday sababo la xiriira kala aragti duwanaansho siyaasadeed. Eedeymahaas ayaa dowladda federaalka si cad u diiday, iyadoo ku adkeysatay in baaritaanka rasmiga ah uu go’aamin doono xaqiiqada dhacdada.
Jubaland ayaa sidoo kale Qaramada Midoobay ugu baaqday inay dib u eegto go’aankii Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka. Maamulka ayaa sheegay in tallaabadaas loo baahan yahay in dib loo eego inta laga helayo hay’ad dowladeed oo uu ku tilmaamay mid si buuxda mas’uul uga ah maaraynta hubka caalamku ugu deeqayo Soomaaliya.
Dhacdada ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira koonfurta Soomaaliya. Baaritaanka dowladda ayaa la filayaa inuu caddeeyo waxa sababay qaraxyada, sida ay u dhaceen iyo cidda mas’uulka ka ahayd.







