Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Go’aanka Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid oo saameyn ku yeeshay doodda doorashooyinka

Kulamo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay yeesheen wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka socday…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 13, 2026, 5:00 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Go’aanka Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid oo saameyn ku yeeshay doodda doorashooyinka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Kulamo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay yeesheen wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka socday dowladda Turkiga, ayaa la sheegay inay horseedeen isbeddel cusub oo ku saabsan doodda siyaasadeed ee la xiriirta hannaanka doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid ay u muuqdaan kuwo taageersan hannaanka doorasho qof iyo cod ah iyo nidaamka xisbiyada badan, oo ay Dowladda Federaalka hore u sheegtay inay hiigsanayso.

Haddii mowqifkaasi sii adkaado, wuxuu saameyn ku yeelan karaa wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo qaba in aan weli la gaarin waqtigii dalka laga hirgelin lahaa doorasho noocaas ah.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii uu xilka hayay sidoo kale muujiyay taageerada uu u hayo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, inkastoo xilligaas ay jireen caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo hakiyay qorshahaasi. Sidaas darteed, mowqifka hadda loo nisbeynayo wuxuu la jaanqaadayaa aragtidii uu hore u qabay ee ku aaddan dib-u-habeynta nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in isbeddelkan uu yimid xilli ay jireen kala aragti duwanaansho ka dhex taagan qaar ka mid ah mucaaradka, gaar ahaan doorka ay ku yeelanayaan wada-hadallada siyaasadeed ee soo socda. Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay dadaal ugu jirto ballaarinta ka qeybgalka dhinacyada siyaasadda si loo abuuro jawi wadatashi oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.

Dhanka kale, maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku adkeysanaya in xaaladda amni iyo tan siyaasadeed aysan u saamaxayn qabashada doorasho qof iyo cod ah waqtigan, iyagoo taageersan hannaan ku saleysan is-afgarad siyaasadeed. Waxaa la filayaa in kulanka dowladda iyo saamileyda siyaasadda ee loo qorsheeyay 20-ka bishan diiradda lagu saaro qodobadan, iyadoo dadaallo dhexdhexaadin iyo isu soo dhowaansho ay weli socdaan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

23 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.