• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Beesha caalamka oo soo dhaweysay wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo mucaaradka

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Beesha caalamka oo soo dhaweysay wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo mucaaradka
Share

Wararka24: Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.

UNTMIS ayaa sheegtay inay fududeysay kulamo ay yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan saamilayda mucaaradka, iyadoo wada-hadallada ay goobjoog ka ahaayeen wakiillo ka socday Midowga Yurub, Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska, Safaaradda Mareykanka iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulamadu ku qabsoomeen jawi saaxiibtinimo iyo is-ixtiraam ku dhisan, isla markaana ay dhinacyadu yeesheen wada-hadallo wax ku ool ah oo la xiriira arrimaha siyaasadda iyo mustaqbalka geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya.

UNTMIS waxay xustay in qodobka ugu weyn ee laga wada hadlay uu ahaa sidii loo abuuri lahaa is-afgarad guud oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la adkeynayo muhiimadda wada-hadal joogto ah oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda dalka.

Hay’addu waxay sidoo kale ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan wada-xaajoodyada, si loo gaaro xal waara oo ku dhisan is-afgarad, loona xoojiyo xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Wada-hadalladan oo billowday 7-dii Luulyo ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu yareynayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka. Dowladda Federaalka iyo mucaaradku waxay hore ugu heshiiyeen in la sii ambaqaado wada-hadallada, iyadoo dadaallada ay taageerayaan Dowladda Turkiga iyo beesha caalamka.

Kulamadan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa muran siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, iyadoo natiijooyinka kasoo baxa wada-hadalladan laga filayo inay saameyn ku yeeshaan jihada geeddi-socodka siyaasadeed iyo xasilloonida dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.