Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay heshiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Masar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad (MoU) oo ay Soomaaliya iyo Masar ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 9, 2026, 5:10 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay heshiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Masar
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad (MoU) oo ay Soomaaliya iyo Masar ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha.

Heshiiska ayaa u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ujeeddadiisu waa horumarinta kaabeyaasha dekadaha, is-dhaafsiga khibradaha farsamo, tayeynta hay’adaha ka shaqeeya gaadiidka badda iyo waafajinta adeegyada heerarka caalamiga ah.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ansixinta heshiiskan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dardargelinayo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka iyo xoojinta iskaashiga Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka iyo caalamka.

Sida ay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda sheegtay, heshiiska ayaa horseedi doona iskaashi ballaaran oo ku saabsan horumarinta dekadaha, is-weydaarsiga aqoonta iyo farsamada, tababarrada xirfadeed iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha ka shaqeeya waaxda badda.

Wasaaraddu waxay sidoo kale xustay in heshiiskan uu qeyb ka yahay qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, kor loogu qaadayo tartanka dekadaha Soomaaliyeed iyo xoojinta doorka Soomaaliya ee ganacsiga iyo isu-socodka badda ee gobolka.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu taageero hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), iyadoo dowladda ay rajo ka muujisay inuu gacan ka geysto casriyeynta adeegyada dekedaha, kobcinta dhaqaalaha ku tiirsan badda iyo sare u qaadidda awoodda Soomaaliya ee ka faa’iideysiga fursadaha dhaqaale ee marin-biyoodkeeda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

6 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

6 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

7 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.