• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay heshiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Masar

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay heshiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Masar
Share

Wararka24: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad (MoU) oo ay Soomaaliya iyo Masar ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha.

Heshiiska ayaa u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ujeeddadiisu waa horumarinta kaabeyaasha dekadaha, is-dhaafsiga khibradaha farsamo, tayeynta hay’adaha ka shaqeeya gaadiidka badda iyo waafajinta adeegyada heerarka caalamiga ah.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ansixinta heshiiskan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dardargelinayo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka iyo xoojinta iskaashiga Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka iyo caalamka.

Sida ay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda sheegtay, heshiiska ayaa horseedi doona iskaashi ballaaran oo ku saabsan horumarinta dekadaha, is-weydaarsiga aqoonta iyo farsamada, tababarrada xirfadeed iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha ka shaqeeya waaxda badda.

Wasaaraddu waxay sidoo kale xustay in heshiiskan uu qeyb ka yahay qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, kor loogu qaadayo tartanka dekadaha Soomaaliyeed iyo xoojinta doorka Soomaaliya ee ganacsiga iyo isu-socodka badda ee gobolka.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu taageero hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), iyadoo dowladda ay rajo ka muujisay inuu gacan ka geysto casriyeynta adeegyada dekedaha, kobcinta dhaqaalaha ku tiirsan badda iyo sare u qaadidda awoodda Soomaaliya ee ka faa’iideysiga fursadaha dhaqaale ee marin-biyoodkeeda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.