Wararka24: 7-02-2026 Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarad aan duuliye lahayn oo is qarxisay lagu weeraray Garoonka Caalamiga ah ee Dubai, iyadoo weerarkan lagu eedeeyay Iran xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe.
Garoonka Dubai ayaa ka mid ah garoomada ugu mashquulka badan Bariga Dhexe iyo caalamkaba, waxaana uu muhiim u yahay dhaqaalaha iyo isku socodka diyaaradaha ee gobolka.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan shirkadda diyaaradaha ee Emirates ay ku dhawaaqday inay dib u bilaabayso qaar ka mid ah duulimaadyadeeda, kadib hakad ku yimid safarro sababo la xiriira xaaladda amniga ee gobolka.
Faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ama saameynta weerarka ayaan weli la shaacin, balse dhacdadan ayaa sare u qaadi karta walaaca ku saabsan amniga duulimaadyada iyo kaabayaasha muhiimka ah ee gobolka.


















