Wararka24: Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday £5 milyan oo gargaar bani’aadannimo ah oo cusub, taas oo Soomaaliya looga taageerayo diyaar-garowga fatahaadaha la filayo xilli-roobaadka Deyrta ee bilaha Oktoobar ilaa Diseembar. Lacagta ayaa lagu xoojin doonaa digniinta hore iyo tallaabooyinka lagu yareynayo saameynta fatahaadaha.
Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa sheegtay in taageeradu gaari doonto ilaa 600,000 oo qof oo ku nool deegaannada fatahaaduhu halista ku yihiin. Waxaa sidoo kale la taageeri doonaa qoysaska u baahan inay u guuraan meelo ammaan ah, iyadoo la ilaalinayo adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka.
Qorshahan ayaa sidoo kale lagu sii shaqeyn doonaa ilaa 71 xarumood oo caafimaad si ay adeegyada u sii wadaan xilliyada fatahaadaha. Adeegyada caafimaadka guur-guura ayaa la ballaarin doonaa si loo gaaro dadka ay biyuhu go’doomiyaan ama guryahooda ka barakiciyaan.
Taageerada ayaa qayb ka mid ah gaari doonta dadka ku nool ku dhawaad 100 xero oo barakacayaal gudaha ah. Jowhar iyo Beledweyne ayaa ka mid ah meelaha si gaar ah loogu tilmaamay inay wajahaan khatar fatahaadeed oo sare.
Chris Pycroft, Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Britain ee Muqdisho, ayaa sheegay in tallaabooyin hore loo qaado ay yareyn karaan khasaaraha ka dhasha fatahaadaha. Wuxuu sheegay in maalgelinta diyaar-garowga ay gacan ka geysan karto badbaadinta nafaha iyo ilaalinta nolol-maalmeedka dadka nugul.
Dowladda Britain ayaa sheegtay in Soomaaliya ay isu diyaarineyso xaalado cimilo oo la xiriira El Niño, xilli abaaraha soo noqnoqda, colaadaha iyo barakacu ay horey cadaadis ugu hayeen malaayiin qof. Sida bayaanka lagu sheegay, inta u dhaxaysa 2.5 milyan iyo 3.5 milyan oo qof ayaa saameyn kala duwan kala kulmi kara fatahaadaha la filayo.
Ku dhawaaqista lacagta cusub ayaa Arbacadii 23-ka Sebtembar lagu sameeyay Madasha Bani’aadannimada Dalka ee Muqdisho, oo ay ka qeyb galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha bani’aadannimada iyo saaxiibada caalamiga ah. £5-ta milyan ayaa loo kala qeybin doonaa laba barnaamij oo Britain horey uga taageereysay Soomaaliya.
Barnaamijka Caafimaad Plus ayaa heli doona £2.5 milyan, waxaana fulintiisa hoggaaminaya Action Against Hunger. Lacagta kale oo dhan £2.5 milyan ayaa loo qoondeeyay barnaamijka RESTORE, oo ay wada fulinayaan FAO, IOM iyo World Vision, iyadoo diiradda lagu saarayo digniinta hore, daad-gureynta, ka hortagga fatahaadaha iyo kaalmo lacageed.
Dowladda UK ayaa sheegtay in taageeradan ay qayb ka tahay £15 milyan oo ay u qoondeysay dalalka sida weyn ugu nugul saameynta El Niño. Britain waxay sidoo kale xustay in fatahaadihii la xiriiray El Niño ee 2023 ay Soomaaliya ka saameeyeen qiyaastii 2.48 milyan oo qof, halka 1.2 milyan ay ku barakaceen gudaha dalka.







