Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u saxiixday qandaraaska daraasadda iyo naqshadaynta waddada isku xiri doonta Galkacyo iyo Ceelguula, taas oo qayb ka ah mashruuca ballaaran ee waddada Galkacyo iyo Hobyo. Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee bartamaha dalka.
Munaasabadda saxiixa qandaraaska ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta. Waxaa ka qeyb galay Wasiirka Hawlaha Guud Ayuub Ismaaciil Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Hawlaha Guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladda iyo hay’adaha la shaqeeya mashruuca.
Qandaraaskan ayaa diiradda saaraya daraasadaha farsamo, naqshadaynta waddada, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee qaybta Galkacyo ilaa Ceelguula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in waddadan ay muhiim u tahay isku xirka deegaannada gudaha iyo dekedaha ku yaalla xeebaha Badweynta Hindiya. Waxay xuseen in mashruucu uu fududeyn doono isu-socodka dadka iyo badeecadaha, isla markaana uu kor u qaadi doono fursadaha ganacsi ee ka jira gobollada bartamaha Soomaaliya.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in hirgelinta mashruucan ay gacan ka geysan doonto xoojinta amniga iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka. Waddada Galkacyo iyo Hobyo ayaa muddo dheer loo arkayay mashruuc muhiim u ah isku xirnaanta dalka iyo horumarinta adeegyada gaadiidka.
Sida ku cad heshiiska la saxiixay, shirkadda KKATT Consult Limited ayaa loo xilsaaray fulinta daraasadaha iyo naqshadaha mashruuca. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tallaabadan ay saldhig u noqon doonto hirgelinta waddada guud ee Galkacyo ilaa Hobyo oo dhererkeedu gaarayo 260 kiiloomitir.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dalka iyo isku xirka gobollada kala duwan si loo taageero kobaca dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

























