• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiir Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka iyo xiisadda oo sii kacsan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Wasiir Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka iyo xiisadda oo sii kacsan
Share

Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa hanjabaad adag u jeediyay kooxaha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda aysan qorsheyn weerar ka dhan ah mucaaradka, balse wuxuu si cad uga digay cid kasta oo isku dayda inay lasoo baxdo maliishiyaad hubeysan ama ay qalqal geliso amniga magaalada Muqdisho.

“Wax idiin soo weeraraya ma jiraan, laakiin maliishiyaad maalinkaad qaadataan gacmahaa la idinka jabinayaa,” ayuu yiri wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in hadalkiisa uu la xiriiray dhacdo hore oo uu ku eedeeyay xubno mucaarad ah inay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Wardhiigley sanadkii hore, isaga oo xusay in dowladda xilligaas ay ka gaabsatay inay jawaab adag bixiso si looga fogaado xaalad sii xumaata.

Wasiirka ayaa dhanka kale ku eedeeyay mucaaradka inay bulshada ku marin habaabinayaan hadallo siyaasadeed iyo abaabulo aan taageero badan helin, isagoo tilmaamay in bannaanbax ay mucaaradku ku baaqeen 15-kii May uusan helin taageeradii ay filayeen.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabay hadallada wasiirka, waxayna ku tilmaameen kuwo halis ku ah xasilloonida dalka iyo xuquuqda siyaasadeed ee mucaaradka.

Golaha ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in hadallada Wasiir Fiqi aysan ahayn aragti shaqsiyeed, balse ay ka tarjumayaan qorshe siyaasadeed oo ay sheegeen inuu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan dastuurka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Xiisadda u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo ay socdaan dadaallo siyaasadeed iyo waan-waan lagu doonayo in xal looga gaaro muranka ka dhashay muddo xileedka dowladda federaalka iyo hannaanka kala guurka siyaasadeed ee dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.