Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu diyaarsaday ciidamo cusub oo ka dhan ah mucaaradka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu abaabulayo ciidamo cusub oo uu sheegay in loogu talagalay caburinta mucaaradka iyo xoojinta awoodda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 20, 2026, 12:11 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu diyaarsaday ciidamo cusub oo ka dhan ah mucaaradka
Share

Wararka24: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu abaabulayo ciidamo cusub oo uu sheegay in loogu talagalay caburinta mucaaradka iyo xoojinta awoodda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay shir ay mucaaradku ku yeesheen Muqdisho ayaa sheegay inay hayaan xog la xiriirta ciidamo lagu tababaray gobollada dhexe iyo guutooyin kale oo uu sheegay inay ku xareysan yihiin xarumaha ciidamada ee TurkSom.

“Waxaan ognahay in Xasan Sheekh uu wado abaabul ciidan, waxaan ognahay ciidamo lagu tababaray gobollada dhexe iyo guutooyin cusub oo uu doonayo inuu soo saaro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu doonayo inuu ciidamada u adeegsado dano siyaasadeed iyo cadaadis ka dhan ah mucaaradka. Wuxuu sheegay in mucaaradku aysan ka baqeyn awood ciidan, isla markaana ay sii wadi doonaan mowqifkooda siyaasadeed.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna farriin u diray ciidamada qalabka sida, isaga oo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

Khayre ayaa sheegay in ciidamada loo tababaray difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka, balse aysan habboonayn in loo adeegsado khilaafyo siyaasadeed ama dano gaar ah.

Dhanka kale, Villa Soomaaliya weli kama aysan hadlin eedeymaha mucaaradka ee la xiriira abaabulka ciidamada cusub iyo hadallada kasoo yeeray siyaasiyiinta mucaaradka.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa sidoo kale iclaamiyay dibad-baxyo ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la qorsheynayo inay ka billowdaan magaalada Muqdisho 4-ta June, iyadoo la filayo inay sii socdaan toddobaadyo.

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xoogeysaneysa, kadib muranka ka taagan muddo xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashooyinka dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

24 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.