Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Eedeymo loo jeediyay dowladda oo ku saabsan caburinta warbaahinta

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in qaar kamid ah warbaahinta madaxa-bannaan ee Soomaaliya ay cabashooyin u gudbiyeen safaaradaha reer Galbeedka ee Muqdisho, kadib markii ay sheegeen inay la kulmeen weerarro online ah oo lagu bartilmaameedsanayo wararkooda iyo…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 20, 2026, 11:26 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Eedeymo loo jeediyay dowladda oo ku saabsan caburinta warbaahinta
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in qaar kamid ah warbaahinta madaxa-bannaan ee Soomaaliya ay cabashooyin u gudbiyeen safaaradaha reer Galbeedka ee Muqdisho, kadib markii ay sheegeen inay la kulmeen weerarro online ah oo lagu bartilmaameedsanayo wararkooda iyo akoonnadooda baraha bulshada.

Wararka ayaa tilmaamaya in shirkad lagu magacaabo CONVEY LLC, oo la sheegay inay ka shaqeyso arrimaha suuq-geynta islamarkaana xarun ku leedahay dalka Talyaaniga, ay sheegatay xuquuqda muuqaalada iyo wararka ay baahiyaan qaar kamid ah telefishinnada iyo idaacadaha madaxa-bannaan ee ka howlgala Soomaaliya.

Sida lagu sheegay eedeymaha la gudbiyay, tallaabooyinkan ayaa la rumeysan yahay in looga gol leeyahay in lagu yareeyo ama lagu xaddido wararka la xiriira mucaaradka iyo arrimaha siyaasadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dhaliilo.

Ururka haweenka warbaahinta Soomaaliya ee SOMWA ayaa isna qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu walaac xooggan ka qabo weerarro online ah oo sii kordhaya, kuwaas oo lagu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, xarumaha warbaahinta madaxa-bannaan iyo dadka caanka ku ah baraha bulshada.

SOMWA ayaa sheegtay in weerarradan ay kusoo aadayaan xilli warbaahinta madaxa bannaan ay horey ula kulmeysay cadaadisyo kala duwan oo ay kamid yihiin xarig, cabsi gelin iyo dhibaateyn joogto ah oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dacwooyin loo gudbiyay shirkadda Meta ay hoos u dhigeen saameynta shirkadda CONVEY LLC, kadib markii la isku dayay in xuquuq been abuur ah lagu sheegto muuqaallada iyo wararka lagu daabaco bogagga Facebook ee warbaahinta Soomaaliyeed.

Xarumaha warbaahineed ee la sheegay inay saameeyeen weerarradan online-ka ah waxaa kamid ah Universal TV, Shabelle TV iyo Dalsan TV, kuwaas oo la sheegay in qaar kamid ah waxyaabihii ay baahin jireen laga saaray ama la xaddiday.

Ilaa hadda dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin eedeymahan la xiriira weerarrada online-ka ah iyo sheegashada loo jeediyay shirkadda la magacaabay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

23 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

24 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.