Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay taageerada Puntland ee Somaliland

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si dadban u weeraray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kadib markii wafdi ka socday Puntland ay ka qayb-galeen munaasabaddii 18-ka May ee lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 19, 2026, 4:16 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay taageerada Puntland ee Somaliland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si dadban u weeraray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kadib markii wafdi ka socday Puntland ay ka qayb-galeen munaasabaddii 18-ka May ee lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in aan taageerada qadiyadda Somaliland lagu heli karin faa’iido siyaasadeed ama cod doorasho, isaga oo carrabka ku adkeeyay in midnimada Soomaaliya ay tahay arrin qaran oo aan loo adeegsan karin dano siyaasadeed.

Cali Xoosh ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiyiinta isku dayaya inay ka faa’iideystaan kala qeybsanaanta Soomaaliya aysan ku guuleysan doonin himilooyinkooda siyaasadeed. Wuxuu tilmaamay in shacabka ku nool deegaannada Waqooyi Bari aysan aqbali doonin in rabitaankooda siyaasadeed la hoos geeyo dano kale.

“Qofna guul siyaasadeed kuma gaarayo, Soomaalina cod siyaasadeed kagama kasban karo qof buun-buuninaya kala goynta Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka oo hadal culus jeediyay.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii wafdi dhaqameed uu hoggaaminayay Yaasiin Muuse Boqor ay ka qayb-galeen dabaal deggii 18-ka May ee Somaliland. Wafdigaasi ayaa sheegay inay ixtiraam u hayaan jiritaanka Somaliland, ayna Puntland taageersan tahay qadiyadda maamulkaasi, arrintaas oo dhalisay falcelin xooggan.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadlay hadalka wafdigaasi, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo shacabka ay u arkeen mid sii hurin karta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland ayaa sii xoogeysanayay bilihii lasoo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka dalka, wax ka beddelka dastuurka iyo awood qaybsiga siyaasadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

6 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

6 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

7 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.