Wararka24: 26-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa dhismaha maxkamado gaar ah oo u qaabilsan arrimaha ganacsiga, si loo xoojiyo nidaamka garsoorka ee khuseeya ganacsatada iyo maalgashadayaasha.
Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay in la helo hannaan sharci oo hufan oo lagu xalliyo murannada ganacsi, lana kordhiyo kalsoonida maalgashi ee dalka.
Arrintan ayaa lagu falanqeeyay kulan dhex maray Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan.
Kulanka waxaa ka qeyb galay khubaro ka kala socotay labada wasaaradood, kuwaas oo diiradda saaray dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga iyo dhisidda sal sharci oo taageera kobaca dhaqaalaha.
Mas’uuliyiintu waxay isla qaateen in Wasaaradda Cadaaladda ay hoggaamiso dhismaha maxkamadaha ganacsiga iyo dejinta habraacyada sharci ee lagu shaqeyn doono.
Waxaa la sheegay in nidaamkan cusub uu fududeyn doono go’aan ka gaarista khilaafaadka ganacsi, isla markaana uu yareyn doono dib-u-dhacyada ka jira garsoorka guud.
Dhankeeda, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa la filayaa inay dhammaystirto xeerarka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah nidaaminta ganacsiga iyo ilaalinta xuquuqda ganacsatada.
Ugu dambeyntii, labada wasaaradood ayaa ku heshiiyay in la magacaabo guddi farsamo oo wadajir ah si ay u diyaariyaan qorshaha iyo habraaca hirgelinta maxkamadaha ganacsiga.


















