• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, January 24, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Kadib dilkii argagaxa
Share

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

Howlgalka oo socday ku dhowaad 24 saacadood ayaa la sheegay inuu si gaar ah loogu beegsaday rag looga shakisan yahay falkaasi argagaxa leh. Saraakiisha hoggaamineysa hawlgalkan ayaa sheegay in ciidamada ay heleen xog muhiim ah oo horseeday qabashada eedeysanayaasha, iyagoo sheegay in dad deegaanka ahi ay kaalin weyn ka qaateen soo gudbinta macluumaad sirdoon ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ay weli ku raad joogaan eedeysane saddexaad oo la rumeysan yahay inuu si toos ah uga qeyb qaatay dilka, waxaana la filayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda gacanta lagu soo dhigo.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa habeen hore ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud, waxaana si arxan darro ah loo dilay hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaas oo kala ahaa Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Axmed Maxamuud. Qof kale oo qoyska la joogay ayaa dhaawac soo gaaray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in hooyada iyo carruurteeda ay hurdayeen xilligii ay weerarka ku dhaceen, waxaana maleeshiyaadka hubeysan ay rasaas kaga fureen gudaha guriga, iyagoo madaxa ka wada toogtay.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in falka uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe xiisad ka taagneyd deegaanno ka tirsan Galgaduud. Gobolka ayaa muddooyinkii dambe ku soo batay dilalka qorsheysan ee qabiilka la xiriira, kuwaas oo bulshada cabsi xooggan ku reebay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii deegaanka Raxan-reeble ee isla gobolkaasi lagu dilay nin shacab ah, halka dhawaan degmada Gaalkacyo loogu dilay Dr. Cumar Cabdi Daahir (Surweyn), oo ka mid ahaa dhaqaatiirta da’da yar. Waxa uu noqday dhakhtarkii labaad ee sanad gudihiis loogu dilo aano qabiil, kadib markii hore isla Gaalkacyo loogu dhex toogtay Dr. Sakariye Cabdi Jaamac xaruntiisa caafimaad.

Falalka noocan oo kale ah ayaa sii kordhaya gobollada dhexe, waxaana shacabka deegaanka ay ku tilmaameen khatar weyn oo caqabad ku noqotay nabadda iyo xasilloonida bulshada.

Lasoco wararki ugu danbeeyey si toos ah live somalia?


Share
Tags: Dhuusamareebwararka mantawararka somalia
Previous Post

LIVE: Wararki maanta caalamka: Trump oo waayey bilad uu aad u rabay in lasiiyo..?

Next Post

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

LIVE: Wararka maanta

LIVE: Wararka maanta Wararka24 Gudaha soomalia iyo caalamka si toos ah 247

Puntland

Puntland oo nin u dhashay turkiga gacanta kuso dhigtay..

Recommended

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka Hadlay Wadatashiga Qaran

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka Hadlay Wadatashiga Qaran

7 months ago
Cabdirashiid Janan

DAAWO: Cabdirashiid Janan lacagti aan balan qaday Taleefankaygan ayey ku jirtaa.

6 months ago
NISA

NISA oo Burburisay Buundo Istiraatiiji ah oo Al-Shabaab Dhistay + Xog cusub?

11 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

6 months ago
Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

2 months ago
Laascaanood

Caasimadda Daraawiishta ee Laascaanood Sawiro Quruxbadan Caawa laga qaaday iyo Udiyaargarowga Ciida

10 months ago
maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga

DF oo rajo xumo kamujisay Maxaabiista ku xiran xabsiyada sacuudiga, qaarkood ay wajahayaan xukun dil ah?

11 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.