• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Firdhiye oo ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada cusub ee Waqooyi Bari

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweyne Firdhiye oo ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada cusub ee Waqooyi Bari
Share

Laascaanood –(Wararka24):-Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Cali (Firdhiye), ayaa Isniin, 20-ka Oktoobar 2025, magacaabay golihiisa wasiirrada cusub oo ka kooban 21 xubnood, sida lagu sheegay wareegto rasmi ah oo kasoo baxday xafiiskiisa.

Liiska wasiirrada cusub ayaa waxaa ku jira hal haweeney, halka xubno kale ay yihiin xildhibaano iyo wasiiro hore uga tirsanaa maamulka Puntland. Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabistan ay tahay tallaabo lagu dhisayo xukuumad isku dhafan oo ka tarjumaysa danaha bulshada deegaanka.

Madaxweyne Firdhiye ayaa dib u soo celiyay qaar kamid ah wasiirradii hore ee maamulka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso dowlad mideysa bulshada oo ka turjumaysa wadajir iyo wada-tashi.

Sida ay wararku sheegayaan, weli lama magacaabin wasiir ku-xigeennada iyo wasiirro-dowlayaasha maamulka, balse waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda si loo dhammaystiro xukuumadda cusub.

Ka hor magacaabista Golaha Wasiirrada, Madaxweyne Firdhiye iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Abwaan Cabdirashiid ayaa la sheegay isku khilaafay saami-qeybsiga xubnaha golaha, inkastoo khilaafkaas markii dambe xal laga gaaray.

Maalinta Isniinta ayaa lagu wadaa in lagu dhaariyo wasiirrada cusub, kuwaas oo intooda badan ku sugan magaalada Laascaanood, halkaas oo lagu wado in ay si rasmi ah ugu dhaartaan xilalkooda hortiisa Madaxweynaha.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.