Wararka24: 12-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay ku caddeysay in tiro kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka laga saaray liiska ciidamada, kaddib markii ay dhawaan dibad-bax cabasho ah ka sameeyeen magaalada Muqdisho, iyagoo ku andacoonayay in mushaarkooda laga goostay.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in askarta la ruqseeyay laga qaaday tallaabooyin anshaxeed kaddib baaritaanno la sameeyay, islamarkaana laga saaray ciidanka sababo la xiriira anshax-xumo, hawl-gudasho la’aan, isticmaalka maandooriyaha iyo falal kale oo ka hor imanaya sharciga iyo nidaamka ciidanka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si joogto ah u helaan xuquuqdooda, isla markaana dowladda ay ka warqabto daryeelkooda. Sidoo kale, waxaa lagu adkeeyay in aan marnaba la aqbali karin fal kasta oo dhaawacaya sumcadda ciidanka iyo kalsoonida shacabka.
Go’aankan ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga ku tilmaantay mid qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo anshaxa iyo isla-xisaabtanka ciidamada, laguna ciribtirayo isticmaalka maandooriyaha, iyadoo la doonayo in la tayeyo xirfadda iyo kartida Ciidanka Xoogga Dalka, lana ilaaliyo bedqabka shacabka.



















