Boosaaso – Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada ammaanka Puntland iyo kooxaha Daacish ayaa galay maalintiisii labaad, kadib markii saaka uu dib uga qarxay nawaaxiga deegaanka Kaadi-loho ee Ceelka Il-Abbal, buuraleyda Cal-Miskaad ee gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland Talaadada, 14-ka Oktoobar 2025.
Dagaalka ayaa daba socda midkii shalay ka dhacay isla buuraleyda Cal-Miskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ay ku wadaan howlgallo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo firxadka Daacish ee halkaas ku dhuumaaleysanaya. Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ay isku dayayaan inay ka saaraan kooxahaas godod iyo ceelal ay kasoo weerarayaan.
War kasoo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee “Hillaac” ayaa lagu sheegay in ciidanku ka saareen dagaalyahannada Daacish goobaha Ceelasha Baarakallaah iyo Shakaallo, halkaas oo ay horay ugu dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda.
Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeedu dileen xubno Daacish ah, qaar kalena ay gacanta ku dhigeen, halka tiro kale weli lagu raadjoogo buuraleyda.
Howlgalka maanta socda ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan, kadib hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Togga Baalade ee gobolka Bari. Qabashadan ayaa qayb ka ahayd wajiga afraad ee howlgalka Hillaac oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada Daacish ee ku sugan Cal-Miskaad.
Sida ay saraakiishu sheegeen, Feyzul Xaashim waa muwaadinkii labaad ee Turkiga ee ay Puntland qabato muddo laba bilood gudahood, kadib markii Hassan Ataar, oo isna Turkiga u dhashay, la qabtay bishii Juun ee sanadkan.
Wararka ka imanaya laamaha amniga ayaa intaas ku daraya in weli la baadi-goobayo laba qof oo kale oo lagu magacaabo Emre Kemal Yılmaz iyo Aylin Derya Kaya, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan buuraleyda Cal-Miskaad.
Wararka ayaa tilmaamaya in howlgalka Hillaac uu yahay mid sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada Puntland ay ku dhow yihiin inay la wareegaan deegaanno muhiim ah oo hore ay Daacish u maamuli jirtay.