• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Daacish oo Malinti labaad Socda, Maxa Cusub?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
12 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dagaal culus
Share

Boosaaso – Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada ammaanka Puntland iyo kooxaha Daacish ayaa galay maalintiisii labaad, kadib markii saaka uu dib uga qarxay nawaaxiga deegaanka Kaadi-loho ee Ceelka Il-Abbal, buuraleyda Cal-Miskaad ee gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland Talaadada, 14-ka Oktoobar 2025.

Dagaalka ayaa daba socda midkii shalay ka dhacay isla buuraleyda Cal-Miskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ay ku wadaan howlgallo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo firxadka Daacish ee halkaas ku dhuumaaleysanaya. Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ay isku dayayaan inay ka saaraan kooxahaas godod iyo ceelal ay kasoo weerarayaan.

War kasoo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee “Hillaac” ayaa lagu sheegay in ciidanku ka saareen dagaalyahannada Daacish goobaha Ceelasha Baarakallaah iyo Shakaallo, halkaas oo ay horay ugu dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda.

Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeedu dileen xubno Daacish ah, qaar kalena ay gacanta ku dhigeen, halka tiro kale weli lagu raadjoogo buuraleyda.

Howlgalka maanta socda ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan, kadib hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Togga Baalade ee gobolka Bari. Qabashadan ayaa qayb ka ahayd wajiga afraad ee howlgalka Hillaac oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada Daacish ee ku sugan Cal-Miskaad.

Sida ay saraakiishu sheegeen, Feyzul Xaashim waa muwaadinkii labaad ee Turkiga ee ay Puntland qabato muddo laba bilood gudahood, kadib markii Hassan Ataar, oo isna Turkiga u dhashay, la qabtay bishii Juun ee sanadkan.

Wararka ka imanaya laamaha amniga ayaa intaas ku daraya in weli la baadi-goobayo laba qof oo kale oo lagu magacaabo Emre Kemal Yılmaz iyo Aylin Derya Kaya, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan buuraleyda Cal-Miskaad.

Wararka ayaa tilmaamaya in howlgalka Hillaac uu yahay mid sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada Puntland ay ku dhow yihiin inay la wareegaan deegaanno muhiim ah oo hore ay Daacish u maamuli jirtay.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.