NAIROBI — Madaxweyne William Ruto ayaa maanta booliiska ku amray in ay lugta ku toogaan qof kasta oo lagu qabto bililiqaysi ama burburin hanti dadweyne intii lagu jiro dibadbaxayaasha. Amarka ayaa yimid xilli uu furayay mashruuc guryo loogu talagalay booliiska.
“Qof kasta oo guba ganacsi ama hanti dadka kale, lugta ha laga toogo oo isbitaalka hala geeyo inta ay maxkamadda u socto,” ayuu yiri Ruto oo khudbad ka jeedinayay xaafadda Kilimani.
Madaxweynaha ayaa ku celceliyay in aan la dilin balse laga jabiyo lugaha kuwa rabshada wadda. Wuxuu sheegay in burburinta hantida dadka aysan sax ahayn aana la aqbali karin.
Ruto ayaa u digay madaxda siyaasadda dalka keenya isagoo ku eedeeyey inay soo kiciyaan dhaliyarada lacagna aysiiyaan, wuxuuna balan qaaday in lasoo qaban doono oo uu baaritaan socdo.
Waxaana uu sheegay in weerarka lagu qaaday xarunta booliiska iyo saldhigyada ciidanka ay tahay mid argagixisanimo.
Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ayaa sheegay in dibadbaxayaashii Isniintii ay ku dhinteen dad gaaraya 31 qof halka 107 ay ku dhaawacmeen. Iyadoo ganacsiyo waweyn lagu burburiyey 15 gobol guud ahaan kenya.
Amnesty International ayaa sheegay in dibadbaxayaashii June 25 ay ku dhinteen 16 qof oo intooda badan ay dileen booliiska. Sida ay sheegeen waxaa la weeraray 9 saldhig oo booliis ah.