Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku qaabilay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyadoo kadib loo galbiyay xarunta madaxtooyada si ay u yeeshaan kulamo hordhac ah.
Soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhaba.
Booqashada Xamza Cabdi Barre ayaa la xiriirta ka qeyb galka munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, oo dhawaan lagu doortay magaalada Baydhaba.
Waxaa la filayaa in munaasabadda caleema-saarka ay kasoo qeyb galaan madax sare oo dowladda federaalka ka tirsan, diblumaasiyiin, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale, taas oo muujineysa muhiimadda ay leedahay munaasabaddan.
Magaalada Baydhaba waxaa horey u gaaray madax ka tirsan dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ka qeyb galaya xafladda caleema-saarka. Waxaa sidoo kale magaalada ku sugan wafaf kala duwan oo ka yimid gudaha dalka.
Dhanka kale, ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo amniga munaasabadda iyo badqabka madaxda iyo martida ka qeyb galeysa.
Xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay noqoto mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo Baydhaba ay haatan martigelineyso wufuud iyo mas’uuliyiin kala duwan oo u yimid ka qeyb galka munaasabadda.


















