Wararka24: Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa caawa taariikh cusub ka sameynaya kubadda cagta Yurub, kaddib markii loo igmaday inuu dhex-dhexaadiyo kulanka UEFA Super Cup ee ka dhacaya magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Kulanka ayaa waxaa isku wajahaya Paris Saint-Germain (PSG), oo ku guuleysatay UEFA Champions League xilli-ciyaareedkii hore, iyo Aston Villa oo qaaday UEFA Europa League. Cumar Cartan ayaa hoggaamin doona garsoorka ciyaarta, iyadoo indhaha taageerayaasha kubadda cagta ay si gaar ah ugu jeedaan kulanka iyo shaqadiisa.
Cartan ayaa noqonaya garsoorihii ugu horreeyay ee aan Yurub kasoo jeedin ee loo igmado inuu dhex-dhexaadiyo UEFA Super Cup, taas oo ka dhigaysa fursaddiisa mid taariikhi ah, isla markaana kor u qaadaysa magaca Soomaaliya ee garsoorka kubadda cagta caalamka.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed, ayaa guul weyn ku tilmaamay magacaabista Cartan iyo labadiisa caawiye oo kasoo kala jeeda dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Cumar Cabduqaadir Cartan oo 34 jir ah ayaa ku jira liiska garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA tan iyo 2018, waxaana sannadkii 2025 loo magacaabay garsooraha ugu fiican Afrika. Intii uu ku jiray mihnadda garsoorka, wuxuu dhex-dhexaadiyay kulamo badan oo heer caalami ah.
Magacaabistan ayaa sidoo kale timid xilli Cartan uu dhawaan waayay fursaddii uu kaga qeyb geli lahaa Koobka Adduunka 2026, kaddib markii Mareykanka uu u diiday gelitaanka dalka, inkastoo uu watay fiiso sax ah. FIFA ayaa markii dambe xaqiijisay inuusan ka qeyb geli karin tartanka.
Guusha uu maanta gaarayo ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo sii xoojinaysa sumcadda garsoorka Soomaaliyeed iyo doorka Afrika ee tartamada waaweyn ee kubadda cagta caalamka.















