Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Trump oo ku Ku dhawaaqay in dalalka Khaliijka bixiyaan kharashka ku baxaya sugidda amnigooda

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa sii xoogeysatay, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan weerarro iyo hadallo kulul. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono difaaca xulafadiisa Khaliijka, balse wuxuu sheegay in…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 14, 2026, 4:21 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Trump oo ku Ku dhawaaqay in dalalka Khaliijka bixiyaan kharashka ku baxaya sugidda amnigooda
Share

Wararka24: Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa sii xoogeysatay, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan weerarro iyo hadallo kulul. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono difaaca xulafadiisa Khaliijka, balse wuxuu sheegay in dalalkaasi ay bixiyaan kharashka ku baxaya sugidda amnigooda.

Trump ayaa sheegay in Mareykanku dhaqaale badan ku bixiyo difaaca gobolka, isla markaana uu doonayo in dalalka uu difaacayo ay qayb ka qaataan kharashaadkaas. Wuxuu xusay dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxrayn iyo Kuweyt, isagoo sidoo kale sheegay in Mareykanku uusan ku tiirsanayn shidaalka Khaliijka.

Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay inay qaaday weerarro ka dhan ah saldhigyo uu Mareykanku ku leeyahay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas jawaab ay ka bixisay duqeymo uu Mareykanku ka fuliyay gudaha Iran. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerarro lagu qaaday saldhigga Juffair ee Baxrayn iyo goobo kale oo gobolka ku yaalla.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay beegsadeen goobo militari oo ku yaalla Bushehr, Chabahar, Jask, Konarak, Abu Muusa iyo Bandar Cabbaas. Sida lagu sheegay bayaanka, howlgalka ayaa ujeeddadiisu ahayd in la wiiqo awoodda Iran ee lagu carqaladeyn karo maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Hormuz.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in weerarro lagu beegsaday maraakiib shidaal oo marayay marin-biyoodka Hormuz, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo amniga marin-biyoodka iyo saameynta ay colaaddu ku yeelan karto suuqyada tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah. Dowladaha Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in weerarrada qaar ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in la dejiyo xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in colaaddu ay ku fido dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe, isla markaana ay saameyn ballaaran ku yeelato amniga gobolka iyo dhaqaalaha caalamka.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.