• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Trump oo ku Ku dhawaaqay in dalalka Khaliijka bixiyaan kharashka ku baxaya sugidda amnigooda

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Trump oo ku Ku dhawaaqay in dalalka Khaliijka bixiyaan kharashka ku baxaya sugidda amnigooda
Share

Wararka24: Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa sii xoogeysatay, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan weerarro iyo hadallo kulul. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono difaaca xulafadiisa Khaliijka, balse wuxuu sheegay in dalalkaasi ay bixiyaan kharashka ku baxaya sugidda amnigooda.

Trump ayaa sheegay in Mareykanku dhaqaale badan ku bixiyo difaaca gobolka, isla markaana uu doonayo in dalalka uu difaacayo ay qayb ka qaataan kharashaadkaas. Wuxuu xusay dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxrayn iyo Kuweyt, isagoo sidoo kale sheegay in Mareykanku uusan ku tiirsanayn shidaalka Khaliijka.

Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay inay qaaday weerarro ka dhan ah saldhigyo uu Mareykanku ku leeyahay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas jawaab ay ka bixisay duqeymo uu Mareykanku ka fuliyay gudaha Iran. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerarro lagu qaaday saldhigga Juffair ee Baxrayn iyo goobo kale oo gobolka ku yaalla.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay beegsadeen goobo militari oo ku yaalla Bushehr, Chabahar, Jask, Konarak, Abu Muusa iyo Bandar Cabbaas. Sida lagu sheegay bayaanka, howlgalka ayaa ujeeddadiisu ahayd in la wiiqo awoodda Iran ee lagu carqaladeyn karo maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Hormuz.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in weerarro lagu beegsaday maraakiib shidaal oo marayay marin-biyoodka Hormuz, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo amniga marin-biyoodka iyo saameynta ay colaaddu ku yeelan karto suuqyada tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah. Dowladaha Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in weerarrada qaar ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in la dejiyo xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in colaaddu ay ku fido dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe, isla markaana ay saameyn ballaaran ku yeelato amniga gobolka iyo dhaqaalaha caalamka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.