• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Iran oo weerarro ku qaaday dalal Carbeed kadib duqeymihii Maraykanka 

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Iran oo weerarro ku qaaday dalal Carbeed kadib duqeymihii Maraykanka 
Share

Wararka24: Xiisadda ka taagan Khaliijka ayaa sii xoogeysatay, iyadoo Iran lagu soo warramayo inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay bartilmaameedyo ku yaalla qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, kadib duqeymo uu Mareykanku ka fuliyay gudaha Iran.

Sida ay baahiyeen warbaahinno caalami ah, seeriga digniinta ayaa laga maqlay dalka Baxrayn, halka Wasaaradda Gaashaandhigga Kuweyt ay sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay ka hortageen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo kusoo wajahnaa hawadooda.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in qaraxyo laga maqlay deegaanno ku teedsan marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, oo ay ku jiraan Bushehr, Chabahar, Bandar Abbas, Sirik, Jask iyo Jasiiradda Abu Musa. Wakaaladaha wararka Iran ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay weerar ka dhacay magaalada Iranshahr, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin khasaaraha.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ee ciidamada Mareykanka ay jawaab u ahaayeen weerarro uu ku eedeeyay Iran inay ku qaaday maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka Hormuz. Dowladda Iran ayaa weli si rasmi ah uga hadlin eedeymahaas.

Dhinaca kale, hoggaamiyihii sare ee Iran, Ali Khamenei, ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaaladiisii Mashhad, kaddib markii malaayiin qof ay ka qaybgaleen baroordiiqyo iyo aaska hordhaca ah ee ka dhacay magaalooyinka Najaf iyo Karbala ee Ciraaq.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.